X

Somaliland: Ciidanka Dab Damiska Iyo Badbaadinta Bulshada Ee Masiibooyinka Oo Soo Bandhigay Laba Dhacdo Oo Murruga Ah

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Ciidanka Dab-damiska iyo kharaha kale ka badbaadiya  Bulshada  ayaa soo bandhigay laba dhacdo oo murrugo ah, kuwaas oo xilliyo kala duwan ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

 

Dhacdada Hargeysa, ayaa ah markii ay Allah haw naxariistee hooyo dhashay7 caruura, isla markaana xilligan ahayd xaamilo goor saqdhexe oo ku beegan 2 habeenimo ku geeriyootay Musqul ay ku dhacday.

 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Taliska Ciidanka Dab-damiska Somaliland ee Hargeysa, hooyada geeriyootay ee haysatay 7-da caruurta ah ayaa ahayd xaamilamo, waxaana lagu magcaabi jiray marxuumada Samiira Maxamed Cabdiraxmaan.

 

Gurmad ay ku gaadheen ciidanku goobta, markii ay soo gaadhay qayladhaanta waxay sheegeen in Maydka marxuumada laga soo  saaray Musqusha oo ahayd mid buuxday oo ay dusha kaga timi sabbadii saarnayd Suuliga oo Maydka marxuumada geysay gunta hoose ee Suuliga.

 

Ciidanka Dab-damiska oo Godka kasoo saaraya Marxuumadda haysatay 7-da caruurta ah ee Xaamilada ahayd, 13 April, 2023. Hargeysa.

 

Maydka Marxuumada ayay sheegeen Ciidanka badbaadinta Bulshada ee Dab-damisku inay ku wareejiyeen ciidanka Dambi baadhista ee CID, si loo baadho kiiska, waxayna bulshada ugu baaqeen inay ka taxadaraan Suuliyada,Musqulaha iyo godadka buuxsamay iyo kuwa jilicsan ee gaboobay, ama meelaha bulaacaddaha ah.

Ciidanka Dab-damiska oo Godka kasoo saaraya Marxuumadda haysatay 7-da caruurta ah ee Xaamilada ahayd, 13 April, 2023. Hargeysa

Dhinaca kale, dhacdo kale oo ay sheegeen Ciidanka Dab-damiska iyo ka hortaga masiibooyinka ee badbaadinta Bulshadu inay ka dhacday caawa magaalada Boorama dhacdo kale oo murrigo ah, taas oo ahayd kaddib markii Oday waayeel ah oo 70 Jir, balse annay xusin magaciisa uu ku dhacay Musqul la duntay xaafadda Jarka ee magaalada Boorama.

Godka laga soo samatabixiyay Odayga 70 jirka ah, Boorma, 13 April 2023.

Hase yeeshee Odayga ayay ku guulaysteen Ciidanku inay ka soo samatabixiyaan isagoo badqaba, iyadoo loola cararay Cusbitaalka weyn ee Boorama.

 

 

Ciidanka ayaa uga digay Bulshada inay ka taxadiraan godadka Suuliyada iyo Bulaacaddaha, iyadoo dhacdooyinkan yihiin kuwo soo noqnoqday, sidaa awgeed Ciidanka Dab-demisku wuxuu bulshada Somaliland uga digay in ay ka digtoonaadaan bullaacaddaha ama godadka khatarta ugu jira inay dumaan xilli walba gaar ahaan xilliyada roobabka.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post