X

Somaliland: Caalinkii Weynaa Ee Sh Maxamuud Suufi Oo Geeriyooday

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Mufdigii weynaa ee Sheekh Maxamuud Maxumed (Sh. Maxamuud Suufi), ayaa ku geeriyooday caawa  Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Allah haw naxariistee Sheekh Maxamuud, wuxuu ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaalida, gaar ahaan Somaliland, wuxuu ahaa caalin naftiisa iyo nolloshiisa u huray barbaarinta Bulshada ee Diinta Islaamka.

Sidoo kale, wuxuu Sheekh Maxamuud soo noqday wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, wuxuu noloshiisa ku bixiyay sidii dadka u bari lahaa diinta Islaamka iyo digriga Allah, isagoo aan aduun iyo dhaqaale kaga doonayn, wuxuuna ka mid ahaa culimada waaweyn ee geyiga Soomalida laga aflaxay, iyadoo qaar baddan oo ka mid ah Culimada inta baddan xilligan danbe Soomaalidu aadka u taqaan ee laga arko warbaahinta iyo kuwo kale oo ka mid ah Bulshada ay ka mid ahaayeen ardaydii kasoo aflaxday.

Sidoo kale, Sheekh Maxamuud Suufi, wuxuu door ku lahaa dhismaha qaranka Somaliland, isagoo ka mid ahaa Culimada waaweyn ee nabadaynta iyo dhismaha qaranka kaalinta ku lahaa.

Tan iyo wixii uu ka danbeeyay markii uu ka tegey xilka Wasiirka  Wasaaradda Diinta  iyo Awqaafta 2010, wuxuu si toosa ah cashar Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah iyo casharo kale oo diini ah uga marin jiray Masaajidka uu dhisay Ibraahim dheere ee Magaalada Hargeysa, waxaana si toosa ah casharka looga baahin jiray Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV).

Allah ha u naxariisto, Samir iyo Iimaan dhammaan Qaranka Somaliland, Bulshada Soomaalida iyo qoyskii uu baxay iyo Culimada Somaalida oo dhan, marxuumkana waxan Allah uga baryaynaa inuu naxariistiisa ugu deeqo oo ku abaal mariyo wanaagii iyo tacabkii uu geliyay sidii uu Bulshada u hanuunnin lahaa.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post