X

Somaliland: Booliska Oo Sheegay In La Qabtay Laba Qof Oo Looga Shakiyay Argagixiso

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto, Maxamed Sanqadhi Daba-gale,

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay qabteen laba qof oo looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Sanqadhi (Daba-Gale) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay xaaladda amniga iyo diyaargarawga xuska 18May.

Taliye Snqadhi, wuxuu sheegay in qof walba oo shacabka Somaliland looga baahanyahay inuu amniga dhinaciisa ka ilaaliyo, isla markaana ka fiirsado waxyaabaha ku xeeran, isla markaana wixii ay ka shakiyaan kusoo wargeliyaan Ciidanka Booliska Somaliland, ama cidda ugu dhow ee gaadhsiin karta Booliska.

Sareeye Gaas, Maxamed Aadan Sanqadhi (Daba-gale), wuxuu sheegay in labada qof ee la qabtay ay ahaayeen kuwo dhowaan dalka yimi, isla markaana ay kas dhex heleen dadkii ay shacabku lasoo wadaageen ee ay ka shakiyeen, wuxuuna uga mahadceliyay shacabka lasoo socodsiiyay.

“Todobaadkan u danbeeyay laba qof oo argagaixiso ah ayaan ka dhex qabanay wixii ay dadku noo soo sheegeen” ayuu yidhi Taliye Daba-gale.

Hase yeeshee Taliye Daba-gale, ma sheegin xilliga ay qabteen labada qof ee looga shakiyay argagixisada iyo halka ay ka yimaadeen, isla markaana lama wadaagin warbaahinta labada qof ee uu sheegay inay qabteen.

Dhinaca kale, Somaliland waxa si weyn uga socda diyaargarawga xuska sannad-guurada 32aad ee kasoo wareegtay markii ay shacabka Somaliland go’aansadeen inay lasoo noqdaan madaxbanaanidoodii shirkii Burco 18 May 1991, taas oo lagula soo noqday xorriyaddii luntay 1960, markii ay Somaliland la midawday Soomaaliyada uu Talyaanigu gumaysanayay.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post