X

Somalia: Xukuumadda Oo Sheegtay In Muddo Kooban Lagu Diyaariyay Labaatan Kun Oo Ciidan Ah

Ra'iisal Wasaare Xamse Cabdi Bare, Image Araweelo News Network, 17 Jun 2023.

#Araweelo_News_Network.

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaarisay labaatan kun oo ciidan ah, sidaana waxa shaaca ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre, oo maanta tababar u furay Macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhowaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaas oo sida uu sheegay shaqo geli doona bisha Sebtember ee sannadkan 2023.

Munaasibadda loo qabtay macallimiinta ee ra’iisal wasaaruhu kaga qaybgalay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee General Kaahiye., 17 Jun 2023.

Hadalkaa ayuu ra’iisal wasaaruhu ka sheegay munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee General Kaahiye.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebakaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu xusay in Ra’iisal Wasaare Xamse kula dardaarmay macallimiinta in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadoodu sugan tahay, isla markaana ay xil gaar ah iska saaraan waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in waxbarashaddu ay qayb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Sidaa awgeed wuxuu ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxinayn oo Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana la falgali kara.

Hadalkiisa ayuu ku sheegay Ra’iisal wasaare Xamse in Xukuumadda DanQaran ayuu iyadoo aan sannad jirin ay ku guulaysatay inay shaqaaleysiiso 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo sida uu xusay isugu jira ciidan iyo shaqaale.

“Waxa muhiim ah In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaadhaysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran, balse iyadoo aan sannad joogin waxay ku guulaysatay shaqaalaysiinta 23 kun oo Soomaali ah, kuwaas oo isugu jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin”.

Dhinaca kale, sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale ku celiyay in la banneeyo goobaha waxbarashadda ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuuna Ra’iisal Wasaare Xamse ku bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashadda dalka, isagoo ku adkeeyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post