X

Somalia: Madaxweyne Xasan Oo Kampala U Doontay Taageero Millateri Xilli Al-shabaab Ugaadhsanay Saraakiisha Amniga

Araweelo News Network.

Kampala (ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gordhow gaadhay magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Ugandha.

Sida ay shaacisay Villa Somalia, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka qaybgelayaa munaasibad ballaadhan oo ka dhici doonta Kampalla, isagoo ka qaybgeli doona 60- guuradii ka soo wareegatay markii uu dalkaasi xorriyadda qaatay.

 Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka ka baxay xilli ay Al-shabaab ugaadhsanay saraakiisha sare ee ciidamada Amniga ee dawladda Federaalka, isla markaana uu dalka meelo baddan ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dawladda, waxa jira warar sheegaya inuu Madaxweyne Xasan ayaa wadahadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah Soomaaliya, la yeellan doona madaxda dalkaa.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ciidamada ugu baddan ka joogaan Soomaaliya, isla markaana wararka la xidhiidha safarka Madaxweynaha ayaa tilmaamaya in aannay ka madhnayn sidii uu taageero heer gobol ah ugu heli lahaa dagaalka dowladiisu ay ku doonayso in Al-shabaab, ay kaga adkaato.

Madaxweyne Xasan Sheekh lama sheegin inta uu qaadanayo safarkiisu iyo inuu meel kale uga sii gudbayo Uganda, balse madaxda ka qaybgalay munaasibada oo maalinta Axada ka dhacaysa Kampala oo u baddan kuwo Afrikaan ah, ayuu weydiisanayaa Madaxweyne Xasan Sheekh taageero millateri si loo soo afjaro dagaalka Al-shabaab.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post