X

Somalia: Guddidii Khilaafaadka Doorashooyinka Oo La Caydhiyay Kaddib Markii Ay Warbaahinta La Hadleen

Xubnaha Guddida khilaafaadka doorashooyinka Soomalaiya, Image Araweelo News Network, 18 December 2021.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku eeddeeyay in ay siyaasad uga faa’idaysteen xilka, Magaacista Xubnaha Cusub Iyo Middawga Murrasahxiinta Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday qaar ka mid  ah xubnaha  guddida xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kaddib markii ay sheegeen in faragelin lagu hayo hawsha ay hayaan.

Guddida xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo goor sii horaysay maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxay ka dhawaajiyeen in cadaadis lagu hayo waajibaadkoooda shaqo ee loo igmaday, wallow aannay si cad u sheegin cidda ku haysa cadaadiska.

Xubnaha Guddida ayaa sheegay in ay dalbanayaan in lagu ixtiraamo shaqada ay hayaan, iyagoo sheegay in dad ka sareeya oo ka tirsan kuwii saxeexay heshiiska doorashada ay howshaas ka dambeeyaan, balse ma sheegin cidda ay yihiin.

“Waxaan caddeynaynaa in annaga aanany kooxi na lahayn, nidaam gaar ah oo aannu u adeeggaynaana ma jiro, koox gaar ah uma adeeggayno. Waxaanu u adeegggaynaa kala saarida xildhibaannada,  ama murrashaxiinta , kuwa ku qanci waaya natiijada doorashada,’ sidaa ayay ku sheegeen shirkooda jaraa’id guddida xallinta khilaafaadka.

Hase yeeshee markaa kadib Ra’iisla wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta goordanbe waxa uu xilalkii kaga qaaday xubno ka tirsan guddida xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka, kaddib markii ay ka hadleen faragelinta iyo caddaadiska ay sheegeen in lagu hayo.

Wareegtada oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, wuxuu Mr. Rooble, si cad ugu sheegay Wareegtada xilka qaadista in xubnaha  magacyadooda lagu sheegay wareegtada ee xilalka lagaag qaaday ay  xilkii lagu aaminay ay u isticmaaleeen ujeedooyin ka duwan sidii loo baahna, isla markaana  ay baal mareen anshaxa xeerka doorashada  oo ay ku dhex milmeen siyaasadda.

Sida lagu sheegay wareegtada xubnaha xilka laga qaaday, waxa ugu horeeya  Guddoomiyahii Guddida xallinta khilaafaadka Xuseen Maxamed Maxamuud, Axmed Saciid Samatar, Maxamed Faarax Xirsi, Nimco Axmed Cabdi, Cali Maxamed Faarax,Maxamed Ciise Heybe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cali.

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa durbadii magacabay xilalkaasi, wuxuuna magacaabay xubnaha kala ah,  Ismaaciil Maxamed Axmed, Fardowsa Mataan Buulle, Ayaanle Axmed Cabdulle, Bashiir Axmed Yuusuf, Xasan Axmed Dhicisow, Maxamed Cawil Warsame iyo Axmed Barre Maxamed.

Dhinaca kale, Midowga Murrasshaxiinta, ayaa soo dhoweeyay tallaabada xilka lagaga qaaday Xubno ka tirsan Guddida xalinta Khilaafaadka, waxayna ku tilmaameen  mid muujinay in la xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay Midowga Murrashaxiinta, waxay sidoo kale muujiyeen sida ay isu garab taagayaan tallaabo kasta oo lagu saxayo geeddi socodka doorashada si loo helo doorasho natiijadeeda lagu kalsoonaan karo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post