X

#Somalia: AL-shabaab Oo Gacanta Ku Dhigay Diyaarad Qaramada Midoobay Leedahay

 

#Araweelo_News_Network.

 

 

Cadaado (ANN)- Kooxda Al-Shabaab ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida ayaa gacanta ku dhigtay shaqaalihii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo si deg deg ah u degtay Arbacadii, deegaanada at ka taliyaan gobollada dhexe.

 

Warar laga soo xogtay dadka deegaanka ayaa sida ay sheegeen laba ilo wareed oo fadhigoodu yahay Muqdisho oo ay leeyihiin hay’addo caalami ah Diyaaradda Al-shabaab ayaa kaxaystay shaqaalihii saarnaa, iyadoo markaa kaddib ay gubeen Diyaaraddii.

 

Illaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa diyaaradda. Laakiin dadka deegaanka iyo masuuliyiinta qaarkood ayaa laga soo xigtay innay  la socdeen qiyaastii ilaa lix qof, laakiin warar kale ayaa sheegaya in shaqaalaha la socday diyaaradda ay ahaayeen ilaa sagaal qof, kuwaas oo Al-shabaab ka kaxaysatay markii Diyaaraddu fadhiisatay deegaanka, iyagoo ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya innay dab qabadsiiyeen Diyaaradda.

Saraakiisha maamulka deegaanka, ayaa sheegay in Diyaaraddu ka kacday magaalada Beledweyne, iyadoo usii jeeday deegaanka Wisil oo ka tirsan Mudug, laakiin waxay afka uga gashay Al-shabaab oo deegaamada gobolladaa iyo dhanka Koonfurta awood ku leh.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Qaramada Midoobay Diyaaradda ayaa waxay u shaqaynaysay xafiiska UNSOS ee tasiilaadka u fidiya hawlgalka Midowga Afrika, dawladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, tasiilaadkaas oo ay ka mid yihiin duulimaadyada guddaha iyo adeegyo kale oo muhiim ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post