Cadaado (ANN)- Kooxda Al-Shabaab ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida ayaa gacanta ku dhigtay shaqaalihii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo si deg deg ah u degtay Arbacadii, deegaanada at ka taliyaan gobollada dhexe.
Warar laga soo xogtay dadka deegaanka ayaa sida ay sheegeen laba ilo wareed oo fadhigoodu yahay Muqdisho oo ay leeyihiin hay’addo caalami ah Diyaaradda Al-shabaab ayaa kaxaystay shaqaalihii saarnaa, iyadoo markaa kaddib ay gubeen Diyaaraddii.
Illaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa diyaaradda. Laakiin dadka deegaanka iyo masuuliyiinta qaarkood ayaa laga soo xigtay innay la socdeen qiyaastii ilaa lix qof, laakiin warar kale ayaa sheegaya in shaqaalaha la socday diyaaradda ay ahaayeen ilaa sagaal qof, kuwaas oo Al-shabaab ka kaxaysatay markii Diyaaraddu fadhiisatay deegaanka, iyagoo ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya innay dab qabadsiiyeen Diyaaradda.
Saraakiisha maamulka deegaanka, ayaa sheegay in Diyaaraddu ka kacday magaalada Beledweyne, iyadoo usii jeeday deegaanka Wisil oo ka tirsan Mudug, laakiin waxay afka uga gashay Al-shabaab oo deegaamada gobolladaa iyo dhanka Koonfurta awood ku leh.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Qaramada Midoobay Diyaaradda ayaa waxay u shaqaynaysay xafiiska UNSOS ee tasiilaadka u fidiya hawlgalka Midowga Afrika, dawladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, tasiilaadkaas oo ay ka mid yihiin duulimaadyada guddaha iyo adeegyo kale oo muhiim ah.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com