X

Somailand: Natiijada Doorashada Oo Loo Gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga Ah

Gudidda Doorashooyinka oo Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbyay Natiijada Doorashada 13 Nov 2024, dalka ka qabsoontay. Image Araweelo News 20 Nov 2024

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta Maxkabada Sare Ee Dustuuriga ah u gudbiyay Natiijada Ku-meelgaadhka ah ee Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka.

Gudidda ayaa shalay ku dhiwaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada, taas oo ku guulaystay Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Doorashada Madaxtooyadda, halka saddexda Xisbi ee soo baxay noqdeen WADDANI, KAAH iyo KULMIYE.

Guddoomiyaha Maxakadda Sare ee Somaliland, ayaa sidoo kale ah Maxkamadda sare ee Dastuuriga, waxayna Gudidda Doorashooyinku ku wareejiyeen Guddoomiye Aadan Xaaji Cali natiijadda doorashada ee hordhaca ah, taas oo waafaqsan dastuurka iyto xeerarka doorashooyinka.

Guddooomiye Aadan Xaaji Cali ayaa ku amaanay Gudidda Doorashooyinka hawshii ay qabteen iyo sida ay u maamuleen hawsha doorashada, isagoo dhinaca kale ku hanbeeyay tartamayaasha iyo bulshadaba in doorashada oo si nadiif ah u dhacday ay muujinay bisaylka iyo ilbaxnimada Bulshada Somaliland.

 

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post