Sheekh Hasina Waxay Marar Baddan Ka badbaaday Isku Day Dil Iyo Shirqoolo Siyaasadeed Oo Sababay Innay Dalka Ka Baxsato

 

> Kacdoono Rabshada Wata Oo Ay Dheggaha Ka Furaysay Ayaa Sababay In Xukunka Laga Tuuro

>Doorka Maraykanka Iyo Xullufadiisa ee Duufaanada Xukunka Lagaga Tuuray PM Hasina

#Araweelo_News_Network

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Dhaka( ANN)-Haweenayda caanka ku ahayd mudada dheer hoggaminta dalka Bangladesh oo xilligan ahayd Ra’iisal wasaare awood baddan ayaa dalka ka carartay Isniintii, iyadoo xukunka iska casishay, kaddib mudaaharaadyo toddobaadyo socday oo looga soo horjeeday nidaamka kootada ee shaqooyinka dowladda oo 30%  kooto loogu xidho dadka kasoo jeeda qoysaskii halganka dalkaa, balse kootada oo mudda dheer soo taxnayd ayaa dhowaan laga muujiyay dareen cabasho ah, iyadoo xukuumadda ay hoggaamiso Ra’iisal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina Wazed loogu baqay in wax laga beddelo, maadaama ay shaqooyinku noqdeen cidhiidhi.

 

Hase yeeshee Ra’iisul wasaare Sheikh Hasina Wazed oo ah haweenay uu dhalay halgamaagii weynaa ee dalka Aabaheed Sheikh Mujibur Rahman, oo ahaa hoggaamiyihii wadaniga, sidoo kalena  ahaa Aabaha qaranka Bangladesh, wuxuuna dalka hogaaminayay tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Bangladesh  dalka Pakistan sanadkii 1971, isagoo xiligaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay.

Dhega adayga Sheekh Hasina iyo diidmada cabashooyinka ayaa sii kordhay, waxayna markii danbe isu bedeleen mudahaaradyo waaweyn oo dhaliyay rabshado, taas oo ugu danbayntii  khasab ka dhigtay innay dalka ka baxdo, isla markaana iska casisho xilka markii ay adkaysan weyday rabshadaha giligilay xukunkeeda 15 sano kaddib oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo gebei ahaan dalka oo dhan ku baahay, waxayna Kumanaan qof oo mudaaharaadayaal aah  xoog ku galeen  gurigeeda rasmiga ah iyo dhismayaal kale oo xidhiidh la leh xisbigeeda iyo qoyskeeda.

Mudaaharaadyada ayaa sii socday xitaa ka dib markii maxkamadda sare ay xukuntay bishii hore in nidaamka qoondaynta, kaas oo u qoondeeyay ilaa 30% shaqooyinka dawladda xubnaha qoyska ee halyeeyadii ka dagaallamay dagaalkii Bangladesh ee madax-bannaanida Pakistan,  Dowladda ayaa isku dayday in ay xoog ku damiso mudaaharaadyada, iyadoo ku dhawaad ​​300 oo qof ay ku dhinteen tan iyo badhtamihii July 2024.

Haweenaydan oo 76 jir ah ayaa raacday diyaarad Helikobter ah, iyada oo ku sii jeeday dalka Hindiya, waxayna arrintan soo afjartay taladii ra’iisal wasaarenimo ee Hasina, oo ahayd qofkii ugu muddada dheeraa ee dalkaas soo xukuma in ka badan 20 sano, iyadoo cabashooyinka ay sii xoojiyeen eedaymaha soo baxayay sanadihii u danbeeyay  lagu eedeynayay in ay Haweenayda Sh. Hasina u xuub-siibatay, ama isu badashay xukun  keli talis iyo digtaytarnimo,  taasoo keentay inay eedaymahaasi dabka kusii shidaan cabashooyinka kiciyay mudaharaadyada ugu danbeeyay ee  sababtay in ay dalka iskaga baxdo sidoo kalena xilka iska casisho, iyadoo gacanta qabsatay gabadheeda oo keliya, wallow aannay ahayn markii u horaysay ee ay Sheekh Hasina xilka isaga dagtay sida dhacday sanadkii 2001, oo ay sidan oo kale xilka iska casishay, isla markaana dalka ka baxday, balse muddo kaddib ay soo laabatay oo dib loo doortay.

Sheikh Hasina,

FILE- Raiisel wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina, bartamaha, waxaa garab taagan gabadheeda Saima Wazed Putul, bidix, iyo walaasheed Sheikh Rehana iyada oo la hadlaysa warbaahinta ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Dhaka, Bangladesh, Axad, Jan. 7, 2024. Sawir/Altaf Qadri, File)

 

  Sheekh Hasina Wazed oo ah haweenay si weyn caan uga noqotay gobolka, ayaa dhalatay  sanadkii 1947, iyadoo kasoo jeeda qoys Muslim ah oo ku nool bariga Bengal, waxayna dadka aqoonta u leh iyo kuwa faalleeyay ku tilmaameen haweenay siyaasaddu dhiiga kaga jirtay waligeedba.

Sidoo kale, Aabaheed oo loo aqoonsanaa halgamaa weyn  Sheikh Mujibur Rahman, waxa uu ahaa hoggaamiyihii wadaniga, sidoo kale,  waxa uu ku magcawna aabaha qaranka, isagoo dalka soo tan iyo xilligii halganka gobonimadoonka ilaa ay  xornimadooda  ka qaateen dalka Pakistan sanadkii 1971, xiligaasna waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Bangladesh.

Xiligii ay siyaasada soo gelayasay waxay sameysatay sumcad iyo in ay kor uqaado damaceeda siyaasadeed ,  iyadoo dhaqdhaqaaqeeda kasoo billowday in ay hogaamiso Ardayda Jaamacadda Dhaka, waxaana damaceeda iyo innay bulshadu aqbalaan sii xoojiyay magaca Aabaheed  Sheikh Mujibur Rahman oo hoggaaminayay dalka, isaga iyo qaar kamid ah qoyskeeda dhegta dhiigga loo daray, kaddib markii  afganbi millateri oo ka dhacay dalka sanadkii 1975,xukunka lagaga tuuray, balse xiligaa waxa qoyskeeda ka badbaaday Hasina iyo walaasheed oo ka yarayd, waxayna iskaga carareen dalka.

Dhaka, Bangladesh,.

Mudaharaadyada rabshadaha xukunka ka tuuray FRaiisel wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina,  Dhaka, Bangladesh July 2024,.

Hase yeeshee sannado kaddib markii ay magangelyo ugu noolayd dalka  Hindiya,  Sheikh Hasina waxa ay dib ugu laabatay Bangladesh sanadkii 1981, iyadoo xiligaa noqotay hoggaamiyaha xisbiga Awami League oo uuAabaheed hore u hogaamin jiray, waxaana lagu sharfay hoggaaminta Xisbiga maadaama uu dhalay Aabihii halgamaaga ahaa ee la dilay.

Muddo kaddib  Sheikh Hasina, waxay ku biirtay xisbiyada kale ee siyaasadda iyadoo ka qayb qaadatay mudaharaadyo ay wadooyinka ku dhigayeen dimuquraadiyiinta,  kuwaas oo kasoo horjeeday xukunkii milliteriga oo uu horkacayay janaraal Hussain Muhammed Ershad, xiligaas ay Hasina horkacaysay mudaharaadyada waxa ay hoggaaminaysay kacdoono caan ka noqday dalka, waxayna taasi u suurtagelisay innay  noqotay astaan qaran.

Haweenaydan oo ka badbaaday shirqoolo iyo isku marar kala duwan dilal lala beegsaday, waxay soo martay marxalado iyo duruufo siyaasadeed oo ay ku xeernaayeen khatar baddan, waxayna markii ugu horraysay ku guulaystay hoggaaminta dalka Sanadkii 1996, xilligaa oo ay ku kasbatay sumcad heshiis biyo wadaag ahaa oo ay la gashay dalka Hindiya iyo heshiis nabadeed oo ay la gashay jabhado is abaabulay oo qabaa’ilka guddaha ahaa.  kuwaas oo ka soo jeeday dhanka koonfur Bari ee dalka.

Wallow ay arrimahaa dhinac socdeen eeddaymo dowladeeda lala xidhiidhiyay oo lagu dhaleeceeyay heshiisyo ganacsi oo baddan oo musuq-maasuq ah iyo in ay aad ugu hogaansantay  dalka Hindiya. Balse sanadkii 2001 ayay lumisay haweenaydii ray’sal wasaaraha ka soo noqotay dalkaas 1991 ilaa 1996 oo ay ahaayeen saaxiibo ka wada tirsan xisbiga wadaniga ah ee Bangladesh, taas oo ahayd Begum Khaleda Zia, isla markaana  soo noqday ra’iisal wasaaraha Bangladesh March 1991 ilaa March 1996, iyo mar labaad June 2001 ilaa Oct 2006taas oo noqotay Haweenaydii u horaysay ee dalka Bangladesh  ka noqota Ra’iisal Waasaare iyo sidoo kale, haweenaydii labaad ee dunida Islaamka ka noqota ra’iisal wasaare, iyadoo labada haweenka ah ee dalka Bangladesh siyaasadda iyo xukunka dalka isu bedelay meesha ka saareen innay siyaasiyiin rag ah usoo babac dhigaan.

 

 Dhaka, Bangladesh,.

Bilawgii Mudaharaadayaasha xukunka ka tuuray FRaiisel wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina,  Dhaka, Bangladesh, July 2024.

Marka dib loo jaleeco tariikhda Begum Khaleda Zia, ayaa ahayd xaaskii uu ka dhintay madaxweynihii hore ee Bangladesh Ziaur Rahman. waxay la wareegtay guddoomiyaha iyo hoggaamiyaha xisbiga wadaniga ah ee Bangladesh (Bangladesh_Nationalist_Party BNP) ilaa 1984, kaas oo uu aasaasay ninkeeda 1978, iyadoo ay marar baddan labada Xisbi ee labada Haween ah kala hoggaaminayaan isku waajaheen loolan addag.

 

Xiligaas wixii ka danbeeyay Sheikh Hasina waxa ay la kulmaysay mucaarad iyo dad badan oo ka aragti duwanaa, iyadoo dadka ka faalooda siyaasadda ay sheegeen in dalkaasi uu soo maray qulqulatooyin siyaasadeed iyo rabshado ay kamid yihiin in ay dhacaan dilal sharci darro ah,  iyo sidoo kale, in gudaha dalka ay ka dhacaan weeraro bambooyin iyo rabshado kale.

Muddo xaalado ay taagnaayeen ka dib, Sheekh Hasina ayaa xilka iskaga degtay sanadkii 2001, waxayna saaxadda ka maqnayd ilaa 2009,  xiligaas oo dib loo doortay kaddib codbixin dhacday oo lagu dhisayay dowlad ku meel gaadh ah.

Intii ay ka maqnayd saaxadda siyaasadda waxa xusid muddan innay gashay qaadatay xabsi kadib markii lagu eeddeeyay innay tahay mucaarad, sidaana loogu xidhay arrimo siyaasadeed, sidoo kale waxa ay dhowr jeer ka badbaaday isku day dil, sida isku daygii dilkeeda ee sanadkii 2004, waxaana soo gaadhay dhanka maqalka ah, waxa kale oo ay la kulantay shirqoolo siyaasadeed iyo qorshayaal la doonayay in dalka lagaga musaafuriyo iyo kiisas badan oo maxkamadeed  oo ay ku jireen eedeeymo musuqmaasuq. Balse Sheek Hasina ayaa taas beddelkeeda  ku dooday in ay kor u qaaday dhaqaalihii dalka, iyadoo doodeeda kusoo bandhigtay caddaymo muujinaya innay dhaqaalaha dalka kor u qaaday marka loo eego, ama la barbar dhigo dalka  deriska la ah ee Hindiya.

Sheikh Hasina oo xilligan ahayd 76-jir, ayaa noqonay haweeneydii ugu da’da weyneyd ee hoggaanka dalka loo doortay markii afaraad oo isku xigta codbixintii Jan 2024,  taasoo ay qaadaceen mucaaradka ugu weyn, waxaana natiijada doorashada ee lagu murmay ka hor Kumanaan ka tirsan mucaaradka xabsiga loo taxaabay, Maraykanka iyo U.K ayaa natiijadii kasoo horjeestay, waxayna ku tilmaameen mid aan lagu kalsoonaan karin, inkastoo dowladdu ay difaacday.

Hasina waxay ahayd haweenay intii ay siyaasadda ku jirtay ama ay xilka haysay xidhiidh la yeelatay wadamo awood leh, oo ay ku jiraan Hindiya iyo Shiinaha labadaba. Laakin  waxa sii xumaanayay mudooyinkan danbe  xidhiidhka ay la lahayd Maraykanka iyo wadamada kale ee reer galbeedka, kaas  ayaa xumaaday, iyadoo dhowaan mar ku baaqday in lacagta doolarka aan waxba lagu iibsan, taas oo ay ugu baaqday dalalka gobolka, laakiin dhawaaqa nooca ah ayaa ka cadhaysiiyay Maraykanka iyo xullufadiisa waxayna markaa kadib  muujiyeen walaaca ay ka qabaan xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo xoriyaadka saxaafada ee dalka Muslimka ah oo ay ku nool yihiin 170 milyan oo qof, iyadoo ay adagtahay in la saadaaliyo sida xaalladdu noqon doonto iyo jihada uu dalku u dhaqaaqayo kaddib gebagebada xukunkii Haweenayda awoodda badnayd ee Sheekh Hasina.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com