Sheekadda Markabka Nukliyeerka Ee USS Dwight D. Eisenhower Ee Xuutiyiintu Gantaalaha La Beegsadeen Oo Qabsatay Warbaahinta

#Araweelo_News_Network.

Beijing (ANN)-Sawirro dayax-gacmeed uu leeyahay China, oo  ku taariikhaysnaa 4 Juun 2024, ayaa shaaca ka qaaday in Markabka labaad ee ugu da’ada weyn Maraykanka ee xanbaara diyaaraddaha iyo gantaalaha, isla markaana ku shaqeeya quwadda Nukliyeerka.

Markabka oo lagu magcaabo  USS Dwight D. Eisenhower (CVN-69), ayaa u dhaqaaqday masaafo gaaban xagga Koonfureed ee Badda Cas. kaddib markii Xuutiyiintu sheegeen innay la beegsadeen gantaalo, taas oo sababtay khasaare soo gaadhay USS Dwight D. Eisenhower.

Hase yeeshee Sawirrada la daabacay ma caddaynayaan, mana muujinayaan inuu jiro wax khasaare ah, sidoo kale, sawirada dayax-gacmeedka uu leeyahay China ma caddayn inuu jiro weerarka lagu qaaday Markabka diyaaraddaha siday, wallow ciidamada Maraykanku qireen weerarka Xuutiyiinta ee lagu qaaday Markabka.

Warbaahinta Maraykanka iyo kuwa kale ee Caalamka ayaa maalmihii u danbeeyay siyaabo kala duwan uga qoray wax arrintaa, iyadoo Sheekadda sababtay khasaaraha soo gaadhay USS Dwight D. Eisenhower, daba socotay sheegashada fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ah innay gantaal ku weerareen markabka USS Eisenhower. 31 May 2024.

Telefishanka Al-Masirah ee ay Xuuthiyiintu maamulaan ayaa sheegay in ciidamada Xuuthiyiinta ay fuliyeen howlgal wadajir ah oo ay ku lug lahaayeen dhowr gantaal oo nooca cruise-ka ah iyo kuwa ballistic-ga ah oo lala beegsaday Maraykanka ee xanbaara diyaaraddaha iyo gantaalaha, isla markaana ku shaqeeya quwadda Nukliyeerka ee lagu magcaabo  USS Dwight D. Eisenhower (CVN-69), kaas oo xilliga la weeraray marayay Badda Cas.

 

Weerarka ayaa lagu tilmaamay in uu jawaab u ahaa duqaymaha diyaaraddaha Maraykanka iyo UK ay ku qaadeen fadhiisimaha Xuutiyiinta Yemen.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen markabka uu ahaa mid sax ah, isagoo ku hanjabay in si deg deg ah looga aargoosto hantida Maraykanka iyo UK ee duqaymaha la beegsaday dadka shacabka ah iyo weliba gardarada kale ee Israel iyo xullufadda Maraykanka ee Yuhuuda ku garab istaagay duqaymaha, xasuuqa, go’doominta Qaza ee shacabka Falastiin.

Dhankooda Ciidamada Badda Maraykanka ayaa meesha ka saaray sheegashada Xuuthiyiinta, iyagoo xaqiijiyay in la qabtay dhammaan gantaalada balaastikada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Markabka USS Eisenhower, oo ah markabka labaad ee ugu da’da weyn ee ku shaqeeya nukliyeerka ee ciidamada Badda Maraykanka, wuxuu ku sugnaan doonaa Badda Cas muddo bil kale ah si uu u ilaaliyo marinnada maraakiibta ganacsiga.  sida ay sheegtay Wakaaladda Associated Press , oo soo xigganay  saraakiil Ciidamada Badda ee Maraykanka oo codsaday in aan la shaacin, iyagoo tilmaamay in aannu ahayn go’aan laysla qaatay.

In kasta oo aannay jirin warar madax-banaan oo la xidhiidha arrintan, balse waxa xaqiiq ah Xuuthiyiinta ay sheegeen in dhowr jeer oo hore innay si toos ah u garaaceen markabka iyo dadkii la socday, laakiin Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in dhammaan gantaalada Xuutiyiinta laga saaray khadka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com