X

“Ruushka : Putin Oo Xusuusiyay Jarmalka Jabkii Siddeetan Sannadood Ka Hor Ee Stalingrad Iyo Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dagaalka Ukraine

Hoggaamiyaha Ruushka Vladamir Putin oo Ubax dul dhigaya qabriga Marshalkii Midowga Soofiyeeti ee u qaabilsanaa difaaca magaalada Stalingrad, dagaalkii labaad ee Aduunka, xuska siddeetan sannadood kadib 2 Feb 2023. Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

Stalingrad (ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dadkiisa mar kale ku jeediyay dagaalka ka socda Ukraine, kaas oo marar baddan ku cel-celiyay inuu yahay duulaan lagu soo qaaday, balse wuxuu ku hajbay in aannay marba ka guulaysanayn kuwa kusoo duulay ee isu xulufaystay.

Madaxweyne Putin, wuxuu farriin u diray xulufada kasoo horjeeda, isagoo si gaar ah uga hadlay Taangiyada Leopard 2 ee ay Jarmalku Ukraine u direen maalmihii lasoo dhaafay.

Hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay jabkii Naazigii Jarmalka ka qabsaday Magaalada taariikhiga ah ee Stalingrad 80 sannadood ka hor, wuxuu Madaxweyne Putin kaga hadlay dhacdooyin taariikhi ah, isagoo tilmaamay ka qaybgalka xaflada lagu xusayo guushii Midowgii Soviet ee 80 sanno ka hor in mar kale taariikhdu xusi doonto.

“Mar kale waxaa nasoo hanjabay Taangiyada Leopard2 ee Jarmalka!” ayuu yidhi, Putin, isagoo daba socda go’aankii dhawaan Jarmalku uu ku siiyay Kyiv Taangiyada dagaalka ee Leopard2, kuwaas oo aad loo buunbuuniyay, isla markaana lagu tilmaamo inay yihiin kuwo horumarsan, balse ay hadda soo baxayso cabsi laga qabo inay goobaha dagaalka ee Ruushka ku fashilmaan.

Laxidhiidha: UKraine: Maxay Uga Quusanwayday Taangiyada Jarmalka Ee Leopard, Maxay Kaga Duwan Yihiin Kuwa Ruushka Iyo Maraykanka

 

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale Ubax dul dhigay qabriga Marshalkii Midowga Soofiyeeti ee u qaabilsanaa difaaca magaalada Stalingrad oo halkii jabkii ugu weynaa ay kala kulmeen Naasigii Jarmalku.

Madaxweyne Putin, ayaa intii ku sugnaa Magaalada  Stalingrad ee lagu qabtay xuska, wuxuu booqasho ku tagay xarunta weyn ee xusuusta ee Volgograd, oo hadda magaalada loogu yeedho, halkaasoo uu daqiiqad aamusnaan ah uu ku qaatay.

Vladimir Putin, munaasibada xuska ah, waxa kala qaybgalay kumanaan kun oo qof, kuwaas oo isugu soo baxay daawashada dhoola xuska, iyadoo ciidamada xusayay dhacdadaasi ay wateen labo Taangi oo ka mid ahaa kuwii xilligaa guusha soo hooyay iyo gawaadhida gaashaaman oo ay weheliyaan diyaarado dagaal, wuxuuna markaa kaddib Putin kulmo la yeeshay kooxaha waddaniyiinta iyo dhalinyarada ee deegaanka.

Maalin ka hor intii aannu Madaxweyne Putin gaadhin halkaa, Arbacadii, ayaa la dhigay goob muhiim ah sawirka Stalin  Taallo ah, sidoo kale, waxa lagu sharaxay goobaha la sudho dadka taariikhda ku leh dalka sawirada labadii Taliye ee Soofiyeedka, Georgy Zhukov iyo Alexander Vasilyevsky, iyadoo sannadihii u danbeeyay Ruushku dib u cusboonaysiiyay Buugaagta wax laga barto ee Ruushka oo lagu muujiyaan guushii Stalin ee wakhtigii dagaalka

Saraakiisha Millateriga ee Ruushka ayaa aad ugu dheeraaday dhacdooyinka is shabaha ee dagaalka, iyagoo  is bar-bar dhigay dagaalkii Labaad ee Naasiyiinta lagu jebiyay iyo dagaalka xilligan ee Ukraine.

Hase yeeshee, Ukraine waa ay diiday isbarbardhiggaa, iyadoo ku dooday in uu soo gaadhay cawaaqib xun oo ay ka mid yihiin macaluul uu sababay Stalin, oo xilligaa loo bixiyay “ Holodomor”, iyo xasuuq  loo geystay dadkeeda Yuhuudda ah oo ay fuliyeen ciidamada Naaziga, taas oo sida ay sheegeen ay u sii dheerayd  khasaare badan oo soo gaadhay dadka rayidka ah.

 

Volgograd, oo ah gobolka koonfur galbeed ee Ruushka, ayaa dhaca dhul ahmiyad weyn oo Istiraatiijiyadeed iyo taariikh weyn ku leh dunida, waana gobolka dhereran hareeraha Webiyadda Volga oo ka mid ah saddexda Webi ee ugu dheer Yurub iyo Webiga kale ee Don.

  1. 1925, magaalada waxaa loo beddelay Stalingrad iyadoo lagu sharfayo Joseph Stalin, waa hoggaamiyihii Midawga Soofiyeeti oo markaa xukumay dalka.

Magaalada taariikhiga ah ee Stalingrad, ayaa ahmiyad weyn yeelatay intii lagu guda jiray dagaalkii labaad ee aduunka xilligaa ciidamada Axis ay weerarreen magaalada, taasoo keentay khasaarihii ugu weynaa iyo dhimmashadii ugu badnayd, kaddib markii ay dhaceen  dagaaladii ugu waaweynaa uguna dhiigga badana ee taariikhda dagaalka, taas oo 1961, Nikita Khrushchev ku suntay inay tahay Magaaladii  heshay horyaalka guusha ee badbaadisay Yurub.

Midawgii Soofiyeedku waxa ay ku guulaysteen in ay u diidaan inuu Jarmalku awood u yeeshaan inay dib ugu soo celiyaan hawada, taas oo cidhiidhi galisay ciidamadii Jarmalka ee Naasiga ilaa ay jabeen oo Afka ciida loo daray.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post