Boqolaal Kun Oo Reer Ukraine Ah Oo Loogu Baaqay Inay Dagaalamaan
#Araweelo_News_network.
Moscow(ANN)-Wararka ka imanaya Ruushka ayaa sheegaya in Gazprom iyo shirkado kale oo Ruush ah ay sameynayaan ciidan u gaar ah, kuwaas oo xilliganba qaarkood la hawlgeliyay.
Shirkadda shidaalka ee dawladda ee Gazprom ayaa muddo dheer shaqaaleysiisay dad leh asal ciidan si ay u ilaaliyaan hantideeda adduunka oo dhan.
Hase yeeshee kormeerayaasha warshaddaha Ruushka, ayaa sheegaya in xiligan unnug hubaysan oo ay leedahay shirkadda Gazprom ay hadda ka hawl galayaan jiida hore ee dagaalka Ukraine.
Jiritaanka arrintan waxa xaqiijiyay madaxa kooxda ciidamadda gaarka ah ee calooshood u shaqaystayaasha ee Wagner ee Ruushka, Yevgeny Prigozhin, oo Waraysi uu bixiyay ku xusay arrintaa.
Laakiin waxa soo baxaya in sidoo kale, shirkadda Oligarchs ee Ruushka ah ay samaynay kooxo u adeegaya mustaqbalka, kuwaas cabsidooda leh, isla markaana laga muujinayo dareen siyaasadeed oo mustaqbalka ah.
Dhinaca kale, Muuqaal ay sii daysay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku andacoonaya in ay cutubyo ka tirsan madaafiicda oo taageeraya hawlgallada dhulka ee Bakhmut. Magaalada ku taal Bariga Ukraine ayaa muddo ku siman toddoba bilood ah xuddun u ahayd dagaalo si xidhiidh ah uga socday halaka oo lagu hoobtay, iyadoo labada dhinac aannu midna wax guul ah ka gaadhin.
In kasta oo xaaladda cakiran ee hadda jirtaa muujinayso in ciidamada Ukraine si weyn ugu wiiqmeen dagaalka, taas oo sababtay in boqolaal kun oo reer Ukraine ah loogu baaqay inay dagaalamaan si ciidamadda Ruushka ee duulaanka ku ah looga difaaco.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com