X

Ruushka Iyo Xullufaddiisa BRICS Oo Diyaariyay Qorshayaal Lagu Qaawinayo Siyaasadda Iyo Dhaqaalaha Maraykanka

#Araweelo_News_Network.

Johannesburg (ANN)-Hoggaamiyayaasha Dalalka ku bahoobay kooxda BRICS ayaa maalintii labaad shirar uga socday magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, ayaa bilaabay qorshe ay ku doonayaan innay u isticmaalaan shir-madaxeedka innay dalbadaan isbeddelo lagu sameeyo hay’addaha caalamiga ah.

Madaxda dowladdaha Brazil, China, South Africa iyo India iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ka hadlaya balaadhinta midowga iyo isticmaalka lacag aan ahayn dollarka Maraykanka, si loo yareeyo awoodda dhaqaale ee reer galbeedka. Kooxdu waxay dejisay hadafka ah inay kordhiso miisaanka siyaasadeed ee dalalka Koonfurta adduunka ee arrimaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaan joogin magaalada Johannesburg, balse waxa uu kaga qayb gelayaa shirmadaxeedka xidhiidhka tooska ah ee muuqaalka.
Vladimir Putin, ayaa Khudbad uu u jeediyay wufuudda ku sheegay in Ruushka uu doonayo in la soo afjaro dagaalka ay reer galbeedka iyo dayax gacmeedkooda ka wadaan Ukraine.
Qorshaha ay wadaan hoggaamiyayaasha ku bahoobay Ururka BRICS, ayaa si weyn saamayn ugu yeelanay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan Maraykanka oo la saadaalinayo innay si dhab ah u dhaawacdo dhaqaalihiisa.
Sidoo kale, hoggaamiyayaasha dalalka Ruushka, China, India, Brazil, South Afrika iyo saaxiibada kale ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in wax weyn lagaga beddelo qaab dhismeedka Ha’yaddaha qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah, waxayna dhammaan qorshayaasha ay wadaan Madaxda dalalka xubnaha ka ah BRICS noqonayaan kuwo adhaxda ka jebiya siyaasadda Maraykanka ee awood sheegashada aduunka iyo xataa dhaqaalaha uu kaga fushado danihiisa.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post