X

Queen Elizabeth Oo Cisbitaalka Loola Cararay

London(ANN)-Boqoradda Dalka Britain Queen Elizabeth, ayaa laga loola cararay Cusbitaalka, waxaana xaaladdeeda ka hadlay Qasriga Boqortooyadda Britain.

Queen Elizabeth

 Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson iyo hoggamiyayaasha Mucaraadka ayaa arrinteeda ka hadlay.

Boris Johnson , ayaa yidhi, “waa hubaa inaan qof walba u hadlayo annigoo u rajaynaya Boqorada inay si degdeg ah uga soo kabato Covid, waxaan u rajaynayaa soo laabasho degdeg ah oo caafimaad wanaagsan oo firfircoon”.

 Boqoraddu waxay tijaabisay cudurka ‘Covid’, Buckingham Palace ayaa yidhi sidaa awgeed waxa laga helay Faysriska Caronavirus ee loo yaqaan COVID-19.

Boqoradda ayaa la kulantay calaamado qabow oo fudud,  laakiin wuxuu rajaynayaa in lasii  wado waajibaadyada fudud ee Windsor usbuuca soo socda, sidaa waxa yidhi, qasriga Boqortooyada Britain oo ka hadlay xaaladda caafimaad ee Boqoradda, balse waxaa jira walaaca ku saabsan boqoradda oo 95-jir oo laga helay Covid sida ay ugu filnaato inay sii shaqeyso, ama uga soo kabato.

“Waxay sii wadi doontaa inay hesho daryeel caafimaad waxayna raaci doontaa dhammaan tilmaamaha ku habboon,” ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay Boqortooyada.

Wiilkeeda ugu weyn iyo dhaxalka, Amiirka Wales, ayaa laga helay Caronavirus, kaddib markii la tijaabiyay, 10-kii February, isagoo markaa ka hor la kulmay hooyadii 8 Feb 2022.

Saraakiisha Caafimaadka Britan, ayaa sheegaya in la fahamsan yahay in tiro dad ah oo ay tijaabiyeen noqdeen kuwa laga helay fayriska, kuwaas oo ku sugan Windsor Castle, oo ay boqoraddu degan tahay.

Markaa kaddib Axadii, Qasriga ayaa soo saaray fariin hambalyo ah oo ka timid boqoradda oo ku socota kooxda GB Curling, waxayna ugu bishaaraysay kooxaha waxqabadkii wacnaa ee Olombikada Jiilaalka, taas oo u horseeday haweenku inay helaan bilad dahab ah iyo ragga oo qalin ah.

Hogaamiyaha mucaaradka, Sir Keir Starmer ee Labour, ayaa dhankiisa ka hadlay xaaladda Boqoradda, wuxuuna u rajeeyay “caafimaad wanaagsan iyo soo kabasho degdeg ah”, isagoo raaciyay: “Dhakhso u caafimaad, marwo.”

Xaaladda ayaa kusoo beeganatay, iyadoo maalmo ka hor si lama filaan ah England u doonaysay in ay meesha ka saarto shuruuddaha sharciga ah ee lagu karantiimeeyo dadka qaba Covid, maadaama xayiraaddihii ugu dambeeyay ee fayrasku qarka u saaran yahay in meesha laga saaro gebi ahaanba, isla markaana aan dadka lagu khasbin in la tallaalo.

6 February, Boqoraddu waxay fulisay kaqaybgalkeedii ugu horreeyay ee dadweyne in ka badan seddex bilood, iyadoo la kullantay shaqaalaha samafalka ee Sandringham House.

November, boqoradda ayaa wayday adeegga xuska Axadda iyada oo ka maqnaatay, toddobaadyo ka dib markii ay dhakhaatiirtu kula taliyeen inay nasato kaddib joogitaanka cisbitaalka.

Waxay ahayd markii ugu horreysay oo ay ka baaqato xafladda Cenotaph ee London intii ay ahayd boqoradda, marka laga reebo markii ay uur lahayd. Inta ay ku jirto shaqooyinka fudud waxay u badan tahay in boqoraddu ay akhriyi doonto dukumeentiyada wasiirrada dawladda UK iyo wakiillada Barwaaqo-sooranka ee loo soo diro maalin kasta, iyada oo ansixinaysa oo saxeexaysa marka loo baahdo, sida uu dhigayo nidaamka qaanuunka dalka Britain.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post