Kenya Oo Mar Kale La Dhibaataysan Dhibaatooyin Dhaqaale

#Araweelo_News_Network.

Nairobi (ANN)-Dalka Kenya ayaa waxaa ku sii fidaya dibadbaxyo looga soo horjeedo canshuur kordhin uu soo jeediyay Madaxweyne William Ruto, taas oo dhalisay cadho xooggan oo sababtay mudaharaadyo waaweyn oo gil-gilay amaanka iyo deganaanshaha dalka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan Hal qof ku dhintay, halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen howlgalka ay Booliiska Kenya ku doonayaan innay ku xakameeyaan.

Booliska ayaa sidoo kale, isu deyaya innay qabqabtaan dadka dibadbaxyada lagaga soo horjeedo soo jeedinta canshuur kordhinta, iyadoo arrintan soo korodhay xilli waddanku uu waajahayo dhibaatooyin dhaqaale oo isa soo taryay toddobaadyadii u danbeeyay.

Dadka isugu soo baxay fagaarayaasha ayaa doonaya innay muujiyaan daareenkooda diidmada ka hor inta aan maalmaaha soo socda xildhibaannadu Baarlamaanka Kenya aannay codayn  canshuuraha la kordhiyay ee muranka dhaliyay.

Qofka ku dhintay ayaa  lagu eedeeyay Boolisku innay sababeen, kaddib markii ay rasaas nool ku rideen, iyadoo toogashadu ka dhalatay bilayska isu soo baxa Khamiistii, Maamulka Madaxa-banaan ee Kormeerka Booliska Kenya ayaa bayaan ku sheegay. Ilaa 39 qof ayaa ku dhaawacantay mudaaharaadyada, kuwaasoo ka dhacay dhowr iyo toban magaalo oo ku yaalla Kenya maalmihii Talaadada iyo Khamiista, sida ay sheegtay Laanqeyrta Cas ee Kenya.

Sharciga Maaliyadda 2024 wuxuu higsanayaa innuu ururiyo $2.4 Bilyan oo dheeri ah, taas laga canshuurayo wax walba laga bilaabo Suufka nadaafadda ilaa Roodhida, waxayna dadka shacabka ee Kenya u arkaan arrintan mid si weyn u saamaynay nollosha, iyadoo Kenya horaantii sannadkii 2023, (Kenya economic crisis), waajahday dhibaatooyin dhaqaale oo saamayn ku yeeshay nollosha malaayiin qof.

Mudaharaadka oo ku faafay dalka oo dhan, waxa ka qayb qaadanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada, sidoo kale waxa ku lug lahaa dhalinyaro xirfadlayaal ah oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo qareeno, kuwaas oo adeegyo u fidiya mudaharaadayaasha.

“Saaxiibadayda da’da yar ee Gen Z waxay halkan isu diyaarinayaan inay ka qaybgalaan dibad-bax kasta oo u baahan daryeel caafimaad oo jooga Nairobi,” Mercy Korir, oo ah dhakhtar caafimaad, ayaa soo dhigtay barteeda X, oo hore u ahaan jirtay Twitter.

Magaalada Eldoret ee uu ka soo jeedo Mr Ruto, boqollaal qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa istaagay magaalada, xilli ay socod ku marayeen waddooyinka, qaarkoodna ay lulayeen boodhadh ay ku qornaayeen weedho ay ku muujinayaan dareenkooda diidmada.

Mudaharaadyada ka dhacay magaalooyinka dalka oo dhan, ayaa ka cadhaysan canshuuraha dheeraadka ah, taas oo ay  ku midaysan yihiin dad badan oo Kenyan ah oo ka baxsan qowmiyadooda iyo xisbiga talada haya .

Bartamaha magaalada Nyeri, dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay: “Ruto waa inuu tago!

“Waan daalanahay,” ayay yidhaahdeen dibadbaxayaal kale oo ka dhacay galbeedka magaalada Kisii ee Kenya.

Tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay William Ruto 2022,  waxa uu soo rogay dhowr canshuuro oo cusub oo aan la jeclayn, kuwaas oo dadka dhaliila siyaasadiisu ay sheegeen in ay caqabad ku yihiin kobaca dhaqaallaha, isla markaana ay horseedeen shaqo la’aan.

Dawladdu waxay inta badan difaacday tillaabooyinka cashuuraha sidii loo baahnaa si loo dhimo deynta qaranka ee dalka oo ku dhow $80bn (£63bn). iyadoo taas beddelkeeda doonay innay la dabaalato dhibaatada deynta.

Arbacadii madaxweynaha ayaa sheegay in mudaaharaadyadu ay yihiin xuquuq dimuqraadi ah, laakiin waxa uu ku adkaystay in aannay curyaamin doonin hannaanka go’aan qaadashada ee dawladda.

Qareennada iyo kooxaha u dooda xuquuqda ayaa Booliiska ku dhaleeceeyay innay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dibadbaxayaal nabadeed, iyadoo boqolaal qof la xidhay horraantii toddobaadkan.

Kooxaha xuquuqul insaanka oo ay ku jirto Amnesty International ayaa si wada jir ah u sheegay Khamiistii in ay kormeerayaal u direen dalka oo dhan iyaga oo ka digaya isticmaalka awooda ee Booliska Kenya.

Arrimahan ayaa dhacaya todobaadyo kaddib markii Madaxweynaha Kenya William Ruto kasoo laabtay booqasho saddex maalmood ah oo uu dalka Maraykanka ku joogay May 2024.

inkasta oo Booqashadiisa warbaahinta reer galbeedka, gaar ahaan kuwa Maraykanku ku macneeyeen mid aad u xiiso badan Washington, maadaama Kenya ay qeyb ka ahayd isbaheysiga Shiinaha iyo Ruushka.

Dhanka kale, gobolka Geeska Afrika waxaa saamayn ku yeeshay siyaasadda tartanka iyo loolanka awoodeed ee gobolka. lakiin socdaalka Ruto, oo noqonayay kii ugu horreeyay oo hoggaamiye Afrikaan ah uu ku tago Maraykanka tan iyo sannadkii  2008.

Kulamadii uu la yeeshay Mr. Ruto, Madaxweynaha Maraykanka Biden iyo maamulkiisa kaddib waxa la shaaciyay in labada dhinac wada saxeexeen oo ay qalinka ku duugeen mashaariic maalgashi oo dhinacyada dhaqaalaha iyo arrimo kale, balse waxa muuqata in heshiisyadu aannay waxba ka beddelin dhibaatooyinka dhaqaale ee haystay dalka Kenya tan 2023, kuwaas oo ay muujinayaan warbixinaha ku lifaaqan halkan (Kenya economic crisis)

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com.