X

#Qaza: Israel Oo Diyaarisay Duulaankii Ugu Weynaa Si Shacabka Falastiin Uga Cararaan Dhulkooda

 

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)- Israa’iil ayaa Isniintii dib u soo cusboonaysiisay baaqyada ku aaddan in dad baddan laga daadgureeyo magaalada Khan Younis ee Koonfurta, iyadoo bilawday duulaan ballaadhan oo ka dhan ah dadka shacabka ah ee Falastiin.

Tobbanaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ku nool halkaa, kuwaas oo ah barakacayaal ku nool xeryo  ay magangelyo u raadsadeen toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii millateriga Israel uu ballaadhiyay duullaanka dhulka iyo duqaymaha uu ka geysanayo guud ahaan marinka Qaza.

 

Weerarkii balaadhnaa wuxuu keenay doorasho dilaa ah boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah, ayaa ku dhintay duqaymaha, iyadoo tan iyo wixii ka danbeeyay xabbad-jiijinta la dilay ugu yaraan 200 qof, bololaal kalena la dhaawacay.

Dhimashada ayaa noqotay mid aan laga carari karin, ama kusii jir jidka, ama xero ku jir,  waxa ku huran in ciidamada Israa’iil kula beegsadaan duqayn, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah shacabka Falastiin.

Saraakiish gargaarka ayaa sheegaya innay jiraan tiro yar oo doonaya innay duqaymaha iyo dagaalka uga cararaan si ay u galaan Marinka Gaza,kuwaas oo ah qaybo yaryar oo si koox koox ah u socda, iyagoo aan haysan dammaanad ammaan ah.

Shaqaalaha gargaarka ayaa ka digay in dhaqdhaqaaqa ballaadhan ee Israel ay wado uu kasii dari doono masiibadii bini’aadantinimo ee ba’an ee ka jirtay dhulkaas.

“Mowjad kale oo barokac ah ayaa socota, xaalladda bini’aadanimo way ka sii daraysaa saacadba saacada kasii danbaysa” sidaa waxa bartiisa “X” ee hore loo odhan jiray Twitter ku qoray madaxa Qaza ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, Thomas White.

 

Israa’iil ayaa ku andacoonay innay wacad ku martay innay meesha ka saarayso taliyayaasha Xamaas ee Qaza, iyadoo ku dooday innay ka aargudanay weerarkii ay ku qaadeen 7-dii Oct 2023. laakiin dagaalka socday in ka baddan 50 maalmood, ma jirto meel ay xamaas kaga adkaatay iyo saraakiil ay Israel dishay, waxayna si weyn xasuuq ugu samaysay shacabka Falastiin, iyadoo burburisay gebi ahaanba Qaza.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post