#Araweelo_News_Network.
Qaza(ANN)- Israa’iil ayaa Isniintii dib u soo cusboonaysiisay baaqyada ku aaddan in dad baddan laga daadgureeyo magaalada Khan Younis ee Koonfurta, iyadoo bilawday duulaan ballaadhan oo ka dhan ah dadka shacabka ah ee Falastiin.
Tobbanaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ku nool halkaa, kuwaas oo ah barakacayaal ku nool xeryo ay magangelyo u raadsadeen toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii millateriga Israel uu ballaadhiyay duullaanka dhulka iyo duqaymaha uu ka geysanayo guud ahaan marinka Qaza.
Weerarkii balaadhnaa wuxuu keenay doorasho dilaa ah boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah, ayaa ku dhintay duqaymaha, iyadoo tan iyo wixii ka danbeeyay xabbad-jiijinta la dilay ugu yaraan 200 qof, bololaal kalena la dhaawacay.
Dhimashada ayaa noqotay mid aan laga carari karin, ama kusii jir jidka, ama xero ku jir, waxa ku huran in ciidamada Israa’iil kula beegsadaan duqayn, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah shacabka Falastiin.
Saraakiish gargaarka ayaa sheegaya innay jiraan tiro yar oo doonaya innay duqaymaha iyo dagaalka uga cararaan si ay u galaan Marinka Gaza,kuwaas oo ah qaybo yaryar oo si koox koox ah u socda, iyagoo aan haysan dammaanad ammaan ah.
Shaqaalaha gargaarka ayaa ka digay in dhaqdhaqaaqa ballaadhan ee Israel ay wado uu kasii dari doono masiibadii bini’aadantinimo ee ba’an ee ka jirtay dhulkaas.
“Mowjad kale oo barokac ah ayaa socota, xaalladda bini’aadanimo way ka sii daraysaa saacadba saacada kasii danbaysa” sidaa waxa bartiisa “X” ee hore loo odhan jiray Twitter ku qoray madaxa Qaza ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, Thomas White.
Israa’iil ayaa ku andacoonay innay wacad ku martay innay meesha ka saarayso taliyayaasha Xamaas ee Qaza, iyadoo ku dooday innay ka aargudanay weerarkii ay ku qaadeen 7-dii Oct 2023. laakiin dagaalka socday in ka baddan 50 maalmood, ma jirto meel ay xamaas kaga adkaatay iyo saraakiil ay Israel dishay, waxayna si weyn xasuuq ugu samaysay shacabka Falastiin, iyadoo burburisay gebi ahaanba Qaza.