X

#Qaza: Gollaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqay Xabbad-joojin Deg Deg Ah

 

#Araweelo_News_Network.

New York (ANN)-Gollaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay  xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo Qaza si masiibada ban’aadannimo loogu joojiyo deg deg , isla markaana loo baajiyo dhibaatada dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israel oo noqday mid ruxay amniga iyo dhaqaalaha aduunka.

Gollaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sidaa kasoo saaray kulan aan caadi ahayn oo ka dhacay Arbacadii New York.“Kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata siina qoto-dheeraanaysa oo ka jirta Qaza, ayay 193 xubnood oo ka tirsan GolLaha Guud ee Qaramada Midoobay ansixiyeen qaraar ku baaqaya xabbad-joojin” ayaa lagu yidhi, qoraalka xanbaarsan qaraarka.

“waxaa haa ugu coddeeyay 153 waddan, 23 ayaa ka aamustay, halka 10 dal ay maya ugu coddeeyeen. Waddamada diiday waxaa ka mid ah Israa’iil iyo Maraykanka oo isku xullufo ah, kuwaas oo ku dooday, in xabbad-joojinta ay faa’iido ku qabto Xamaas.

Hase yeeshee Qaraarka oo aannay ka dhalanayn ciqaab ayaan khasab ka dhigay in la aqbalo  baaqa xabbad-joojinta, laakiin wuxuu noqnayaa mid  xambaarsan miisaan siyaasadeed oo sawir ka bixinaya aragtida iyo halka ay dagaalka Qaza kataaggan yihiin dowladdaha caalamka iyo ahmiyada ay siinayaan in la joojiyo dagaalka socday labada bilood iyo dheeraad, kaas oo u dhexeeya Israel iyo Falastiin.

Dhanka Maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay qaraarka kuna boorriyay waddamada innay Israa’iil cadaadis ku saaraan dhaqangelinta xabbad-joojinta.laakiin Israel ayaa hore dheggaha uga furaysatay qaraaro sidan oo kale, iyadoo dawladda Maraykanku hor istaagtay marar dhawr ah oo la qorsheeyay in qaraar laga soo saaro Gollaha Amaanka, kaas oo haddii uu meel marro xanbaarsan awood iyo awaamiir, isla markaana diidistiisa ay ka dhalanay ciqaab.

 

Israel, ayaa dhankeeda si cad uga soo horjeesatay qaraarka xabbbad-joojinta, iyadoo Danjiraha Israa’il u fadhiya Qaramada Midoobay, intii aan la billaabin u coddaynta qaraarka ee Gollaha Guud sheegay, in xabbad-joojinta ay keiya sii dheerayn doonto dhimasho iyo burbur kasii dhacda mandiqadda.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Qaraar ka ka awood baddan  la horgeeyay Gollaha Ammaanka, balse uu ku dhamaaday fashil, kaddib marki uu Maraykanku codka diidmada qayaxan ku diiday qaraarka, halka 13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Gollaha ay haa ugu codeeyeen. Ingiriiska ayaa ka aamusay, taas oo u muuqatay inuu la socdo Maraykanka iyo Israel.

Tan iyo marki ay Israa’iil billowday duqaymaha cirka ah ee Qaaza 7-badi bishii Octonber, go’doominta iyo duqaymaha aan loo miidaan deyin, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay  in ka badan 18,000 oo qof oo u baddan dumar iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Qaza.

Xamaas oo 7-badi October weerartay Koofurta Israa’iil ayaa iyaduna dishay in ka badan 1,200 oo Israa’iiliyiin ah. Sidoo kalana soo afduubatay in ka badan 250 kale, kuwaas oo in baddan oo ka mid ah lasii daayay, kaddib heshiis muddo kooban socday.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post