Israel Oo Ka Dhabaysay Innay Qaza U Adeegsanay Gantaalo 70 Baac Dhulka Hoos U Gelaya

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan waqooyiga Qaza, iyagoo duqeymo dhanka cirka, dhulka iyo Badda ah ku garaacaya, kuwaas oo aan loo miidaan deyayn, iyadoo gebi ahaan la burburiyay Cusbitaalada iyo goobaha caafimaadka ee baaqiga kusii ahaa.

Duqaymaha ayaa Qaza ka dhigay meel madaw oo burbursan, isla markaana muuqalada naxdinta baddan ee laga soo werinayo ayaa muujinaya mid deegaanka ka dhigaya in uu ku dhacay Foolkaane.

Laxidhiidha: Dalal Safiiradooda Israel U Yeedhay Iyo Kuwo Cilaaqaadka Diblamaasiyada U Jaray

Waxa adag in xaqiiqda ka jirta guddaha Qaza wax baddan laga oggaado,maaddaama aannay jirin Isgaadhsiin, balse wararkii ugu danbeeyay ee laga helay Millateriga Israel ee IDF, ayaa sheegaya inay hareereeyeen magaalada Qaza.

Ciidamadda Difaaca Israa’iil ayaa ku doodaya innay la wareegeen gacan ku haynta xarunta Xamaas oo ay garaaceen in ka baddan 450 bartilmaameed oo hawada sare laga duqeeyay hawlgal habeenimadii xalay dhacay, sida ay Millateriga Israel ku sheegeen warbixin cusub oo Telegram ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale, waxa lagu sheegtay in xarrumaha la bartilmaameedsaday ay ka mid ahaayeen goobo indho-indhayn ah, goobo tababar iyo godad dhulka hoostiisa mara, iyadoo sidoo kale la dilay saraakiil ka tirsan Xamaas intii uu socday weerarka sida ay sheegtay IDF.

Sidoo kale, Ciidamada difaaca Israel, ayaa la filayaa in ay dhawaan galaan guddaha magaalada, kuwaas oo isku diyaarinaya dagaal magaalooyinka ah oo ay la galaan dagaalyahanka Xamaas, wallow ay Millateriga Israel si weyn uga cabsi qabaan taas oo laga yaabo in ay keento khasaare aad u baddan.

Ciidamada Israel ayaa hore u sheegay innay magaalada Qaza ay uga go’yeen Koonfurta oo ay dhanka Waqooyi ka wadaan hawlgalka ugu weyn.

Digniinaha ka digaya in Millateriga Israel sii wadaan xasuuqa ka dhacaya Qaza muddo Afar toddobaad ka baddan, ayaa sii baddanaya, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha gargaarku bayaan ay soo saareen ku sheegay digniinihii ugu danbeeyay ee dagaalka, isala markaana ku baaqay xabad joojin degdeg ah, si dadka rayidka ah loo badbaadiyo. Laakiin xukuumadda Israel ayaan dheg jalaq u siin digniinaha sii kordhaya.

Waxay ay ku tilmaameen waxa ku dhacay falastiiniyiinta ee Israel kaga jawaabtay weerarkii Xamaas ee Oct. 7-dii “wax aad looga naxo” balse waxay sheegeen in “dilka foosha xun ee xitaa dad baddan oo rayid ah lagu dilay Qaza ay tahay mid aad looga cadhoodo, si la mid ah 2.2 milyan oo falastiiniyiin ah ayaa laga jaray cunto, biyo, daawo, koronto iyo shidaal.”ayay yidhaahdeen, Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha gargaarku bayaankooda.

In ka badan 10,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin ee ay maamusho Xamaas.

Wadarta tirada dhimashada ee la diiwaan geliyay 31-kii maalmood ee dagaalku socday waxa lagu sheegay, 10,022, oo ay ku jiraan 4,102 carruur ah, sida warbixinta lagu sheegay.

“Waxaan gantaallaha dhulka hoose gelaya ku ridaynaa wixii hadda ka danbeeya , waana kuwo hoos u gelaya dhulka 70 mayl oo wax burburinaya, sababtoo ah Xamaas waxay ku jirtaa qaybta hoose ee dhismayaasha Cussbitaalada oo ay godad ka samaysteen si ay ugu gabadaan,” sidaa wax yidhi, Afhayeenka Millateriga Israel oo ka hadlayay qorashaha cusub ee duulaanka ku waajahan Qaza, waxayna hanjabaada Millateriga ee habeenimadii Isniintii si dhab ah uga muuqataa Qaza.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com