X

Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Khatarta Weerarkii Ugu Weynaa Yurub Oo Ruushku Qaaday Tan iyo Dagaalkii Labaad

Araweelo News Network.

New York(ANN)-Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Ruushku uu qaaday weerarkii ugu weynaa ee daryeelka caafimaadka ee Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

 

Weerarka, ayaa sababay in malaayiin reer Ukraine ah ay wajahaan xaalad naf-gooyo ah xilliga jiilaalka. Sidaana waxa sheegay Agaasimaha gobolka ee WHO.

 

Hans Kluge, Agaasimaha Yurub ee WHO, wuxuu si cad u sheegay in kulaylka qaboojinta oo ay weheliso nidaam caafimaad uu si xun u waxyeeloobay, kaddib markii khasaare weyn kasoo gaadhay weerarrada gantaallaha ee Ruushka.

Arrintaa ayuu ku tilmaamay inay la macno tahay in jiilaalkani uu ku saabsan yahay ‘badbaadada’dadka Ukraine iyo Yurub.

Duqaymaha ugu danbeeyay, ayaa socday labadii toddobaad ee u danbeeyay markii uu Ruushku ka baxay gobolka Kherson oo ka mid ahaa Afar gobol oo uu ka qaaday codbixin si dadka loo weydiiyo inay kusii negaanayaan Ukraine iyo inay ka mid noqonayaan Ruushka, waxayna natiijada ku sheegeen Ruushku in ay doorteen dadku si aqlabiyad ah inay ka mid noqdaan Ruushka, balse Moscow ayaa ciidamadeeda kala baxay gobolka wadnaha ah ee Kherson tdobaadyadii u danbeeyay, waxayna xoojisay duqaymo magaalooyinka  Ukraine oo dhan cirka yo dhulka laga garaacayay, kuwaas oo sida ay warbixinuhu sheegayaan khasaasihii ugu xumaa ee adeegyada aasaasiga ah geystay, waxayna duqaymuhu khasab ka dhigeen in malaayiin qpf ka cararaan magaalooyinka Ukraine, kuwaas oo dhibaatooyinka ka dhalanaya weerarada ee koronto la’aanta iyo gabaabsiga adeegyada aasaasiga ah ka cararaya.

Dagaalka ayaa socda muddo sided bilood ah, waxayna ciidaamada Ruushku wixii ka danbeeyay Biriishka la qarxiyay ee xidhiidhiya Moscow iyo Crimea, iyagoo wixii xilligaa ka danbeeyaybilaabay duqaymo cirka ah oo ka bilaabay guud ahaan Ukrainei, kuwaas oo lala bartilmaameedsaday kaabayaashii muhiimka ahaa.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in duqaymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ridada dheer ee Ruushka.

“Waxay duqeynayaan wax soo saarka gaaska iyo ganacsiyadayada Dnipro,” sidaa waxa yidhi, Ra’iisal Wasaare Denys Shmygal.

 

Magaalada Kyiv, saraakiishu waxay sheegeen in la soo riday laba gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise-ka. Saraakiisha Dekada Madow ee Odesa ayaa sidoo kale sheegay in duqeyn diyaaradeed oo is daba jooga ah.

Shirkadda tamarta ee Ukraine (Ukrenergo),  ayaa ka digtay Khamiistii tidobaadkii hore in xaaladdu faraha ka baxdo, iyadoo xustay in loo baahanyahay koronto baddan si loo ilaaliyo korantada ku socota jiilaalka.

Xafiiska bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa dhankiisa ka digay masiibo bini’aadantinimo oo ku soo wajahan Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post