X

Niger: Millateriga Oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Cusub Oo Shacab Ah

#Araweelo_News_Network.

Niamey (ANN)-Millateriga dalka Niger oo afgambi kula wareegay dabayaaqadii bishii hore ayaa Khamiistii maanta ku dhawaaqay xubnaha gollaha wasiirada cusub ee dowladda.

Laxidhiidha: Niger: Maraykanka Oo Ku Hungoobay Dublamaasiyada Hoggaamiyayaasha Afgenbiga Millateri

 

Ra’iisal Wasaare Cali Mahaman Lamine Zeine, oo ah dhaqaale yahan rayid ah, ayaa hoggaamin doona 21 xubnood oo xukuumadda cusub ay ka kooban tahay, iyadoo Jeneraalada gollaha cusub ee maamulka millateriga ay hoggaaminayaan wasaaraddaha difaaca iyo arrimaha gudaha.

 

Ku dhawaaqista xukuumadda cusub ayaa ku soo beegantay, iyadoo hoggaamiyayaasha urur goboleedka ECOWAS ay shir deg deg ah ka yeesheen xaalladda dalka Niger. Kulankaa ayaa kusoo beegmay laba todobaad kaddib afgambi millateri oo xukunka lagaga tuuray Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Laxidhiidha: ECOWAS Oo Dib U Riixay Tallaabadii Millateri Iyo Niger Oo Taageero Loo Muujiyay

 

Ururka galbeedka Afrika ee ECOWAS, ayaa sheegay in ay raadinayaan xal diblumaasiyadeed, inkastoo aannay meesha ka saarin in xoog loo adeegsado xalinta xiisada Niger.

Laxidhiidha: Niger: Cabsida Faragelin Millateri Oo Sii Kordhay

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post