X

Muuqaallo Qabsaday Baraha Bulshada Oo Ka Hadlaya Dhaxal-sugaha Sacuudiga Shirka G20

Muuqaallada iyo sawirada, dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Image Araweelo News Network, 15 November 2022, Nusa Dua, Indonesia.

Araweelo News Network.

Nusa Dua,  Indonesia(ANN) –Muuqaallo iyo sawiro ay dadka ugu firfircoon ee Bulshadu Carabtu ku baahiyeen Baraha Bulshada, ayaa dhaliyay hadalhayn baddan, kuwaas oo muujinaya dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan xilligii uu ku sugnaa shirka G20.

Muuqaallada iyo sawirada, ayaa muujinaya Amiir Maxamed Bin Salmaan oo farihiisa jejebinaya iyo qaabka uu u dhaqdhaqaajinayo gacmaha, taasoo dhalisay dood iyo hadalhayn baddan, iyadoo ay arrintan khuburada cilminafsugu ku macneeyeen in ay calaamad u tahay qof fog, oo kalsooni darro hayso, ama ka walaacsan difaac uu doonayo inuu arrin isagaga difaaco, balse khuburada qaarkood ayaa ku sheegay in gacmaha isdhaafsan ay sidoo kale leeyihiin faa’iidooyinkooda, sida meel nasteexo ah (is-dejin), taas oo ka caawin karta inaad xoogga saarto, amma ku dhegto arrin adag.

Muxamed Bin Salmaan oo shirka G20, ka qaybgalay, ayaa xilliga Muuqaalka la faafiyay iyo sawirada lagu guda jiray qadada  dhinac socota shirka G20, xilligaa oo ahaa Salaasadii, November 15, 2022, ka socday Magaalada Nusa Dua, ee dalka Indonesia.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa is dhexgal ka dhex dhaliyay shirka G-20, kaddib markii dadka u ololeeya ay ku faafiyeen baraha bulshada muuqaallo ay ku muujinayaan kulamo ay la yeesheen dhowr hoggaamiye oo caalami ah, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jiping iyo kuwa kale.

Waxaa xusid mudan in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu hoggaaminayo wafdiga Boqortooyada Sacuudiga uga qayb galaya shirka G20, isagoo ka wakiil ah boqorka Sacuudiga, Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxaana wafdiga ka mid ah mas’uuliyiin sarsare oo Sacuudiga ka tirsan, sida Wasiirka Tamarta, Amiir Cabdicasiis Bin Salmaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post