#Araweelo_News_Network.
Muqdisho(ANN)-Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa dammaashaad lagu qaabilay xuska sannad-guurada 32aad ee wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay madax-banaanideedii shirkii Burco ee 18May 1991.
Madasha loogu balansanaa munaasibadda xalay ayaa waxa soo dhexgalay wax-xoogay khilaaf ah oo hakiyay, taas oo ka dhalatay inay qaban qaabiyayaashu aannay warqad kasoo qaadan hay’addaha amaanka, wallow uu jiray khilaaf iyaga dhexdooda ah.
Hase yeeshee taasi ma baajin dabaaldega munaasibada oo shaaracyada waaweyn ee Muqdosho xalay si weyn looga dareemay, iyadoo ay shacbiga Magaalada Muqdisho si weyn u muujiyeen xuska munaasibadda, isla markaana ay jireen xubno kasoo jeeda Somaliland oo iyaguna door weyn ku laaha abaabulka hawsha iyo agaasimka.
Qaar ka mid ah ayaa baabuurta ay ku shaqleen caalnka Somaliland ee saddexda midab leh ee tawxiidku ku xardhanyahay la dhexqaaday shaaracyada wadooyinka waaweyn, halka kuwa kalena ay barxaddaha waaweyn ka dammaashadayeen.
Muuqaaladan Daawo
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com