X

Mucaaradka Waa Loo Hiiliyay, Xukuumadda Kulmiyena Ee Qaranka Qaawisayna Maradaa Lagu Celiyay, Laakiin… Maxamuud Xaashi KAAH

Wasiirkii horre ee Madaxtooyadda Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Maxamud Xaashi Cabdi, Image Araweelo News Network, 14 Oct 2020.

#Araweelo_News_Network.

“Allahayow Indhaha Garlahayn Haday Ooyaan Indhaha Gartalenna Maxaad U Malayn”Maxamuud Xaashi

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si addag ugu hadlay go’aamada ay soo saareen guddida iyo salaadiinta Beelaha Habarjeclo ee khilaafka Siyaasadeed ee la xidhiidhay doorashooyinka.

Kulan Ururka KAAH ku qabtay Magaalada Hargeysa, oo labadii maalmood ee u dabneeyay u socday waxaa gebagebadii Khamiistii maanta hadal dhinacyo baddan oo dhaabbad, dhitaysi iyo dhaliilo xanbaarsan ka jeediyay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo si addag u tilmaamay saamaynta ay dhinacyada siyaasadda ku kala lahaayeen go’aamadu iyo sida qaranka ugu yihiin maslaxad iyo danta guud.

Hase yeeshee wuxuu sheegay Maxamuud Xaashi in Ururka KAAH oo miisaankiisa Bulshadu wada aragto, isla markaana  uu leeyahay Afar meelood meel Gollaha Wakiillada iyo shirgudoonka gollahaa, sidaa awgeed ay go’aamadu yihiin kuwo tagoogada ka toogtay, laakiin aannay ahayn kuwa aannay diidi karin maadaama ay tixgelinayaan mar walba maslaxada iyo danta guud, sidaa awgeed ay aqbaleen.

“Go’aamada ay soo saareen guddida Beelaha Habarjeclo iyo Salaadiintu, waa kuwo badbaado iyo gurmad u ah qaranka, waase kuwo Ururada Siyaasada aannay dani ugu jirin, Kaah waa Ururka leh Afar Meelood meel Gollaha Wakiilada iyo shirgudoonka “Sumal baraar kuma jiro” waxay go’aamadu ku noqdeen kuwo toggan oo taggoogada ka toogtay, laakiin KAAH, wuxuu sii wadayaa hayaanka siyaasadeed ee uu ku doonayo inuu ku noqdo Xisbi.” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ka hadlaya saamaynta dhinacyada kale ee labada Xisbi ee Mucaaradka iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbigeeda, wuxuu yidhi, “Waxaan Maqlayay Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo leh, “Qadhaadhkaanu ku liqnay, “ waar qadhaadh kumaydin liqine waa laydiin hiiliyay, Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa oo qaranka qaawiyayna maraday ku qabteen oo maslaxad iyo dan ayaa ugu jirtay go’aamada, laakiin cidda qadhaadhka ku liqday waa annaga Ururada Siyaasadda” ayuu yidhi,

Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo bixiyay tilmaamo baddan iyo dhacdooyin taariikhi ah oo siyaasadeed.

“Indhaha Garlahayn Haday Ooyaan Indhaha Gartalenna Maxaad U Malayn, ayuu yidhi, isagoo ka hadlaya dhawaaqa mucaaradka, sidoo kale, wuxuu sheegay in Ururka KAAH  aannu ahayn mid liicaya,  “Doorashada madaxtooyaddana KAAH waa  Boqor Sameeye, Farsamooyin Baddan baynu Haynaa haw biqina, hana ina kala hormaynina” ayuu yidhi, isagoo Siyaasiga Maxamuud Xaashi la balamaya taageerayaashiisa.

Maxamuud Haashi oo Arrimahaa iyo kuwa kale ka hadlaya halkan ka Daawo.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post