X

Moscow: Ruushka Oo Ka Nixiyay Maraykanka Iyo Booqashadii Madaxweyne Biden Oo Ciqaab Ku Noqotay Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Putin dhexda iyo Labada General ee Gen. Valery Gerasimov iyo Gen. Sergey Surovikin, Image File Araweelo News Network, 12 Jan 2023.

Madaxweyne Puntin, oo Sheegay In Ruushku ka baxay Heshiiska Maraykanka

#Araweelo_News_Network.

 

Moscow (ANN)-Ruushka ayaa joojinaya heshiiskii ugu dambeeyay ee hub ka dhigista nukliyeerka ee uu la galay Maraykanka, sidaana waxa ku dhawaaqay Madaxweyne Valdimir Putin oo tallaabadan ku sheegay mar uu khudbad u jeedinayay maanta shacabka dalkiisa.

Laxidhiidha: Ukraine: Booqashada Lama Filaanka Ah Ee Madaxweyne Biden Iyo Balanqaadka Uu Sameeyay

Heshiiska ayaa dhigayay in Ruushka iyo Maraykanka ay xaddidaan kaydkooda madaxyada nukliyeerka, wuxuuna dhaqan galay 2011, isagoo ku ekaa ilaa 2026.

Mr. Pitin Intii uu khudbadiisa ka jeedinaya Baarlamaanka federaalka, ayaa si toos ah uga socotay talefishanka, wuxuuna ka hadlayay arrimahaa iyo kuwo kale oo uu kusoo qaaday isbalaadhinta Maraykanka iyo saldhigyada uu in ku dhow boqol dal pp aduunka ah ka samaystay, taas oo uu ku tilmaamay nidaam gumaysi, waxa uu sidoo kale uga digay in haddii Washington Maraykanku uu dib u bilaabo tijaabooyinka Nukliyeerka, uu sidoo kale Ruushka sii wadanayo hawshiisa.

Hadalka Madaxweyne Putin ayaa u muuqday mid aad loogu riyaaqay oo laga soo dhoweeyay dalka Ruushka, iyadoo xildhibaanada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka  iyo saraakiisha ku sugnaa madasha qaarkood si weyn ay qiiro ugu abuurtay khudbadu, isla markaana dareen sacab ah loogu guuxay markii uu ka hadlayay Putin arrimaha siyaasadda ee maanta taagan.

Dagaalka Urkaine ayuu ku tilmaamay dagaal lagu soo qaaday qarankooda oo ay xullufadu isu bahaysteen, wuxuu xusay in dagaalku dheeraanayo oo ay diyaar u yihiin, isagoo tilmaamay in hubka iyo saanada Millateri ee lagu soo daldalayo tusaale u yihiin sida ay xullufadu u doonayso dagaal ee aannay nabad u doonayn.

 

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo khudbadiisa ku sheegay arrimo baddan, isagoo ku eedeeyay reer galbeedka inay bilaabeen dagaalka Ukraine. Putin ayaa khudbadiisii laga sii daayey telefiishanka wuxuu wacad ku maray in Ruushka aan looga adkaan doonin goobta dagaalka, isla markaana uu sii socon doono weerarka. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ee ku nool gobolka Donbas ee Bariga Ukraine ay doonayaan inay noqdaan Ruush.

Hadalka Madaxweyne Putin, ayaa kusoo beegmay  maalin kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden booqasho lama filaan ah ku tegey Ukraine, isagoo sameeyay balaanqaad dhaqaale dhaagaya  $500 Milyan, oo saanad mollateri iyo hub iyo gargaar kale oo la siinayo Ukraine.

Dhinaca kale, booqashada Biden ee Ukraine ayaa sii kordhisay weerarrada, iyadoo duqaymo dhinaca cirka ah iyo gantaalo ku hoobanayay  saacadihii u danbeeyay magaalooyinka waaweyn ee Ukraine, taas oo u muuqata in Ruushku ku ciqaabayo Ukraine mar walba oo ay Maraykanka iyo xuluafadiisu sheegaan inay hub iyo saanad millateri siinayaan, ama ay booqdaan Kyiv.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post