X

Moscow: Madaxweynaha Ruushka Oo Ka Hadlay Khilaafka Kooxda Wagner Ee Calooshood U Shaqaystayaasha

Madaxweynaha Ruushka Putin dhexda iyo Labada General ee Gen. Valery Gerasimov iyo Gen. Sergey Surovikin, Image File Araweelo News Network, 12 Jan 2023.

#Araweelo_News_Network.

 

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa khudbad u jeediyay dalkiisa kaga hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha dagaalka Ukraine, isagoo uga mahad celiyay muwaadiniinta midnimadooda, ka dib kacdoonkii la joojiyay ee kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner.

Putin waxa uu sheegay inuu ixtiraami doono ballanqaadkiisii ahaa in dagaalyahannada Wagner ay u guuraan dalka ay xullufadda yihiin ee Belarus haddii ay rabaan, iyadoo taliyaha Wagner Yevgeny Prigozhin la rumeysan yahay inuu musaafuris ku maqan yahay.

Hase yeeshe Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in askartu ay sidoo kale qandaraas la saxeexan karaan Wasaaradda Difaaca Ruushka, balse ma magcaabin hoggaamiyaha Wagner, Prigozhin laftiisa, kaas oo Ninka hoggaamiyaha u ah kooxda calooshood u shaqeystayaasha, iyadoo dhawaaqyadiisu abuureen dareen shaki geliyay ciidamada Ruushka, kaddib markii uu tilmaamay dhawaaqyo uu warbaahinta la wadaagay oo loo fasirtay inay ahaayeen ficilo muujinaya daciifnimo dhanka amaanka ee Ruushka.

Yevgeny Prigozhin, hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqaystayaasha ee Wagner, waa Ninka kacdoonka aan caadiga ahayn ka bilaabay dalka Ruushka dhamaadkii itodobaadkii hore, laakiin mar keliya ayuu si lama filaan ah u joojiyay dhawaaqyadii shakiga abuuray ee ay ku diirsadeen Maraykanka iyo xullufaddiisu.

 

Mr. Yevgeny Prigozhin, image file, Araweelo News Network, 27 May 2023.

ayaa soo saaray fariin maqal ah oo 11 daqiiqo ah isniintii soo mariyay Telegram, taas  uu doonayo inuu ku masaxo dhawaaqyadii hore iyo ficilkiisa, wuxuuna farriinta ku sheegay in uu doonayo in uu ka dhiidhiyo weerarka xullufaddu ku hayaan dawladda Ruushka iyo habacsanaan uu sheegay inay ka muuqato Taliyayaasha ciidamadda Ruushka iyo Wasaaradda gaashaandhiga, balse aanu doonayn in uu afgambiyo dawladda Ruushka, isla markaana waxa dhawaaqiisa u danbeeyay loo fasirtay mid cabsi ah si uu uga badbaado dacwado lagu eeddeeyo khiyaamo qaran iyo denbiyo hore oo loo hayay hoggaamiyaha kooxda Wager ee Prigozhin , wallow kooxdiisa aan la ogayn halka Belarus uga guurayaan, balse waxa jira xoggo la xidhiidha hawlgalo kale oo ay kooxdu doonayso inay ka fuliso dhinaca Afrika.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post