X

Markab Xoollo U Siday Sacuudiga Oo Qaraqmay

Araweelo_News_Network.

Georgia, Batumi (ANN)-Markab Xoollo u siday dalka Sacuudiga, ayaa degey, waxaana laga badbaadiyay shaqaalihii saarnaa, kaddib uu ku ciirray Biyaha Badda.

Markabka oo sitay calanka Dalka Tanzaaniya, waxa saarnaa sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Georgia  qiyaastii 6,800 oo xoollo isugu jira Iddo iyo Ri’yo, isagoo shixnadda xoollaha ah  kasoo qaaday dalka Georgia, oo ah waddan ku yaal isgoyska Yurub iyo Aasiya, kaas oo hore uga tirsanaa Jamhuuriyaddii hore ee Soofiyeedka.

Markabka ayaa usii jeeday dalka Sacuudi Carabiya oo loo waday shixnadda Xoollaha ah, laakiin nasiibdaro wuxuu ku ciiray meel u dhow jasiiradda Dodecanese, taas oo sababtay in laga daadiyo xoollihii saarnaa, waxaana loo jiiday Kalymnos, halkaas lagu qiimaynayo xaalladda ammaankiisa.

 

Shaqaalaha saarnaa Markabka ayaa lagu sheegay 15 shaqaale oo dhammaantood ajaanib ah. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ilaalada badda ee dalka Georgia, sidoo kale cadda khasaaraha soo gaadhay Markabka marka laga yimaado shixnadda xoollaha ee laga daadiyay, isagoo mawjaddaha Baddu ku tuureen xeebaha Waqooyiga Pserimos, halkaas oo Markabku ku caariyay.

ilaaladda xeebaha Kalymnos ee Giriiga ayaa sheegay in laga soo jiiday Markabka oo loo diray Doon, isla markaana ay soo gelbiyeen xeebbaha Kalymnos, iyadoo si ku meel gaadh ah loo mamnuucay in uu sii wato safarkiisa ilaa baadhitaan laga samaynayo.

Markabka ayaa kasoo ambabaxay magaalada Batumi ee dalka Georgia, wuxuuna ku sii jeeday magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga. Waxaa soo jiiday doon, waxaa galbiyay markab ilaalada xeebaha Kalymnos waxaana si ku meel gaar ah loo mamnuucay in ay sii wadato safarkeeda ilaa baaritaan laga sameynayo.

Georgia, oo ah waddan ku yaal isgoyska Yurub iyo Aasiya, waa Jamhuuriyaddii hore ee Soofiyeedka kana mid ahayd kuwii lagu magcaabi jiray dalalkii daaha birta (Iron Curtain) ee Soofiyeedka.

Juquraafi ahaan ayaa lagu tilmansadaa Georgia mid hoy u ah tuulooyinka Buurraha Caucasus iyo xeebbaha Badda Madow, waxaana khayraadka dalka qayb ka ah xollaha, iyadoo daraasado la sameeyay sannadihii u danbeeyay muujinayaan in dhaqashada dadka Georgia ee xoollaha ay korodhay, marka loo eego sannado ka hor. Sidaa awgeed Georgia waxay ka mid tahay dalalka Sacuudigu kasoo dhoofsado Xoollaha, wallow xoollaha ugu baddan ay yihiin kuwa Soomaalida, balse qaabka xoolla-dhaqatada Georgia uga faa’idaystay aannay Soomaalidu uga faa’idaysan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post