X

Maraykanka Oo Xayiraad Kusoo Roggay Soomaaliya

Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Dawladda Maraykanka, ayaa xariyaarad kusoo rogtay maddaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa dawlad gobolleedyada ee xubnaha ka ah.

Anthony Blinken oo ah xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, ayaa shaaciyay in gebi ahaanba maddaxda dawladda Federaalka lagu soo rogay xariyaad la xidhiidha safarada, taas oo qayb ka ah qorshayaasha Maraykanku ku doonayo in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam doorasho.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Maddaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya, Image Araweelo News Network, 24 Feb 2022.

Dowladda Maraykanku, wuxuu xayiraadda uu ku dhawaaqday ku tilmaamay mid dhanka fiisaha ah oo lagu soo rogay mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka Soomaalida ah, kuwaas oo lagu eeddeeyay inay“waxyeeleynayaan hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya”, kaddib markii uu mar kale dib u dhac ku yimid doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Laxidhiidha: Somalia: Doorashada Xilligeedu Dhammaday Iyo Muddada Kama Danbaysta Ah Ee Loo Qabtay

Bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Jimcihii, wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken ku sheegay cunaqabatayntan tahay mid ay ugu qaadayaan aadaan isla xisaabtanka oo masuuliyiinta Soomaaliya lagula xisaabtamayo falalkooda carqaladeynta doorashada.

Xayiraadaha ayaa lagu dhawaaqay saacado un kaddib markii maddaxda Soomaalida ay kordhiyeen muddada doorashada baarlamaanka ilaa 15-ka March kaddib markii ay ku guul dareysteen in la soo dhammaystiro xilligii ugu danbeeyay ee hore loogu qabatay doorashada oo ku beegnayd 25 Feb 2022,

“Dib u dhaca ku yimi gabagabada doorashada Soomaaliya waxa uu horseedayaa xasilooni darro siyaasadeed, oo khatar gelinaysa guulaha amniga, isla markaana wiiqaya horumarka dhaqaalaha,” ayuu ku yidhi, Bayaanka, Blinken.

Doorashada oo soo bilaabatay bishii hore ee November ayaa lagu waday in la qabto sannad ka hor, balse waxaa hakiyay dib u dhacyo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen is afgarad la’aan ku aadan qaabka ay u dhacayso iyo khilaaf u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Ilaa hadda, 179 ka mid ah 275-ta xubnood ee Aqalka Hoose ayaa lagu soo xulay qaab adag oo ay ergooyinka deegaanadu u coddaynayeen si dadban. Xildhibaanadan ayaa iyaguna dooran doona Madaxweynaha, balse weli lama cayimin xilliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaan jira carqalado ka taaggan deegaamada qaarkood oo aan weki xal laga gaadhin iyo sidoo kale murran ka taagn kuraasta ilaa hadda la hayo qaarkood oo cabashooyin iyo murran hadheeyay, kuwaas oo qaabka ay kusoo baaxeen madmadw baddan weli ka jiro.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post