X

#Maraykanka Oo Ka Badheedhay in Aannay #Canbaaraynayn Marnaba Duqaymaha Iyo Xasuuqa #Israel Ee Xeryaha Qaxoptiga #Qaza

 

#Araweelo_News_Network.

Washington (ANN)- Maraykanka ayaa ka hadlay dhaleecaynta sida weyn isu soo taraysa iyo cadhada ka taagan dunida ee ku waajahan Xasuuqa iyo go’adoominta bahanimada ah ee Israel iyo xullufaddiisu ka wadaan Qaza.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka , ayaa ku andacootay innay qiimaynayso in Israel gashay denbiyo dagaal iyo arragtidiisa xasuuqa iyo gummaadka ka dhacaya Qaza muddo Afar toddobaad ah.

Arrintan ayaa timi, xilli Matthew. Miller oo ah Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibbada ee Maraykanka oo warbaahinta ka hadlaya la weydiiyay su’aalo la xidhiidhay arrimaha xasuuqa ay Israel ka wado Qaza iyo in Israel ay gashay denbiyo dagaal, laakiin sarkaalka ayaa ka war-wareegay, jawaabaha horyaalay ee saxda ah, isagoo sheegtay innay qiimayanayaan in Israel ay gashay dambiyo dagaal.

 

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegay in hay’addiisu aannay billaabin hanaankeeda rasmiga ah ee lagu qiimaynayo in Israa’iil ay gashay dambiyo dagaal intii uu socday dagaalka Xamaas.

 

“Waxaan sii wadi doonaa inaan si toos ah ula hadalno iyaga [Israel], sida aan si cad u sheegi doono, innay tahay rajadayada in dhammaan hawlahooda, dhammaan ololahooda millateri ay u hoggaansamaan sharciyada dagaalka,” ayuu yidhi, Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Matthew. Miller shir jaraa’id ka hadlayay.

Mar wax laga weydiiyey dadka rayidka ah ee Israa’iil ay ku dishay duqaymihii ugu danbeeyay  ee ay ku hayso xeryaha qaxootiga  Jabalya ee Qaza, oo khasaare weyn sababtay Miller waxa uu sheegay in waaxdu ay “aad uga xun tahay khasaaraha naf rayidka ah,” balse aannay cambaarayn doonin weerarradaas.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post