X

#Maraykanka Oo Duqeeyay Bakhaaro Uu Sheegay In #Iran Hubka Ugu Kaydiso Xamaas Iyo #Xisbullah

#Araweelo_News_Network.

Washingtion (ANN)-Ciidamada Maraykanka ayaa xalay duqeymo cirka ah ku qaaday bakhaarrada hubka ee lala xidhiidhinayo in Iran hubka u mariso Xamaas iyo Xisbullah oo ku yaalla bariga Suuriya, sida ay sheegeen saraakiisha Pentagon.

Maraykanka ayaa Israel kula jira dagaalka iyo duqaymaha Qaza ee shacabka Falastiin, balse wuxuu sheegay innay ka cabsi qabaan in dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas uu ku fido gobolka.

Laba Diyaaradood oo nooca dagaalka ee Maraykanka F-16 ayaa duqeeyay xallay xilli danbe Bakhaaro ay sheegeen in lagu kaydiyay hub oo ku yaala Bariga dalka Siiriya, isla markaana u dhow xadka uu la wadaago Ciraaq.

Afhayeenka Pentagon-ka Brig. Gen. Pat Ryder, oo ka hadlay shir jaraa’id, ayaa sheegay in labada meellood la duqeeyay ay ahaayeen Bakhaaro hub loogu kaydiyay Xisbullah oo xilligan diyaar u ah innay Israel iyo danaha Maraykanka ee gobolka weeraraan.

Saraalka ayaa sheegay in Iran ay hubkaa ku kaydisay halkaa, maadaama ay tageeraan Xisbullah iyo Xamaas oo xilligan dagaal kula jira Israel.

Maalmihii lasoo dhaafay Saldhigyada Maraykanka ee ku yaal Ciraaq iyo Syria, ayaa lagu weeraray diyaaraddaha drons iyo gantaalo, wallow aan la ogayn khasaaraha ka dhabta ah ee ka dhashay, balse Pentagon, ayaa sheegay in 21 ka mid ah Askartooda lagu dhaawacay weerarada,  iyadoo weeraradu ahayeen kuwo ay sababtay cadhada ka dhalaty duullaanka Yuhuuda iyo xullufada Maraykanka ee Qaza iyo xasuuqa iyo go’doominta dunnida Islaamku ka foororsatay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post