X

Maraykanka Oo Dalalka Khaliijka Ku Caddaadinaya Xalinta Dagaalka Yemen

Araweelo News Network.

#Lenderking, Wakiilka Khaaska Ah Ee Maraykanka U Qaabilsan Yemen Oo Safaro Diblamaasiyadeed Ugu Kala Dabqaaday Khaliijka.

 

Doha(ANN)-Maamulka Madaxweyne Joe Biden, ayaa qaaday tallaabo laga filayay oo dhanka diblamaasiyada ee ku waajahan dalalka Khaliijka si loo soo afjaro dagaalka muddada dheer ee Yemen.

Timothy Lenderking, wakiilka khaaska ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen, ayaa ah sarkaal sare oo aqoon durugsan u leh dalalka Khaliijka, wuxuuna dedaalo diblamaasiyaadeed u kala dab qaadayay dalalka Khaliijka February 22 ilaa March 3.2021.

 

Lenderking, wuxuu kulamo la yeeshay madaxda sare ee dowladda ha Khaliijka iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Yemen Martin Griffiths.

Wuxuu ka la hadlayay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka daba dheeraaday ee Yemen oo ay hormoodka u yihiin Sucuudiga Iyo Imaaraadka oo haatan ku keliyaysatay duulaaka lagu bur-biriyay dalkaa tan iyo 26 March 2015.

Waaxda Arrimaha Dibbeda ee Maraykanka, ayaa sheegtay in Timothy Lenderking ugu danbayn uu la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Qatar  u qaabilsan Arimaha Gobolka, Mr. Ali al-Hajri, isla markaana ka wada hadleen xalinta dagaalka Yemen iyo sidii loo soo afjari laaha.

“Iyadoo ay ku jiraan dhammaan hawlgalayaasha GCC ee dadaallada dib-u-noolaynta diblomaasiyadeed ayaa fure u ah xallinta colaadda Yemen.” ayuu lagu yidhi, qoraal waaxda arrimaha dibbeda ee Maraykanku kasoo saartay kulamadaa.

Afhayeenka khaaska ah ee Waaxda Arrimaha Dibbeda Maraykanka, ayaa sheegay in Wakiillka Maraykanka ee Yemen, Lenderking ay madaxda ka wadahadleen qaababka ay ula shaqeyn karaan Wakiilka Gaarka ah ee Qatar ee Arrimaha Gobolka, Ali Al-Hajri.

Wuxuu sheegay in iskaashiga la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka muddada dheer ka socday Yemen ee sababay dhimashada boqolaal kun iyo malaaiyiin qoxooti ah iyo sidoo kale bur-burka iyo saboolnimada xun ee ka jirta dalkaa uu yahay mid xoog baddan.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post