X

Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Deegaanka Ethiopia Cabdi Iiley Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

Cabdi Iilay Madaxweynihii hore ee Ethiopia iyo Raxma oo ahayd wasiir hore _Gallery

 

#Araweelo_News_Network.

Waxa Sidoo Kale Lasoo Daayay Haweenay Wasiir Hore Ahayd

Addis Ababa (ANN) Madaxweynahii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia  Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Iiley) ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala magalaada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo ku xidhnaa tan iyo bishii August  2018 markii xukunka laga tuuray.

Qareenkiisa oo lagu magcaabo Iskendir Gezhne oo BBC-da lahadlay ayaa sheegayin lasoo daayay Cabdi Maxmuud Cumar kadib markii dacwad oogaha guud ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa.

Sii dayntiisa ayaa ku soo beegantay lix sanno kadib markii xabsiga la dhigay, waqtigii uu talada dalkaas la wareegay ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo xilligaa ku cusbaa hoggaaminta dalka Ethiopia oo ay ku nool yihiin in ka baddan boqol milyan.

“Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in Cabdi lagasii daayay xabsiga maanta (maalinimadan khamiista) galabnimada, balse ma aana maqal wax codsi ah oo uu jeediyay xeer ilaalintu.” Ayuu yidhi qareenkiisa oo ay soo xiganaysay BBC.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ahaa Madaxweynahii Dawlad Deegaanka Soomaalida tan iyo 2010, isagoo hore usoo noqday maddaxii Hoggaanka Nabadgelyada ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Hase yeeshee isagoo madaxweyne ah ayaa lagu xidhay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, mana aha Madaxweynihii u horeeyay ee Is maamulka Soomaalida Ethiopia ee la xidho isagoo xilka haya, ama xabsiga loo taxaabay inta  xilka laga qaaday, taas oo noqotay dhaqan ka jiray dalka Ethiopia tan iyo sagaashanaadkii markii ay xukunka la wareegeen jabhadii xukunka ka tuuray Mingiste Xayle Maryan 1991, balse madaxda maamulka Soomaalida ayaa dawladihii kala danbeeyay ee soo maray Ethiopia dhaqankaa u adeegsanyeen, iyadoo aannay la qabin dawlad deegaanada kale ee Ismaamulka dalka ka jira ee qowmiyadaha kale.

Dawladda uu hoggaamiyo Abiye Axmed ayaana xidhay xilligaa, iyadoo haatana xabsiga kasii daysay markii warqad ka socoto Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ay gaadhay xeer Ilaalinta.

sidoo kale wax a  xabsiga laga sii daayay Raxma Maxamuud Haybe oo ahayd masuul ka tirsanaa maamulkii Cabdi Muxumed, sida ay BBC da ay BBC da u xaqiijiyeen dad qaraabo la ah.

Raxma ayaa  ahayd Xildhibaanad ka tirsan Barlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, sidoo kale waxay  ahayd Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Carruurta.

please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post