X

Madaxweyne Putin Oo Tilmaamay Furraha Dagaalka Ee Mustaqbalka

President Vladimir Putin's remarks in the Plenary Session of the Russia–Africa Economic and Humanitarian Forum,. Image Araweelo News Network, 27 July 2023

Dalalka Qaarada Madaw Ee Afrika Oo U Gacangalay Ruushka

#Araweelo_News_Network.

 

 

St. Petersburg S(ANN)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u sheegay in gelitaanka Ukraine ee NATO ay fure u tahay mustaqbalka dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo sii socda.

Madaxweyne Putin,  wuxuu sidaa ka sheegay mar uu madaxda Afrika kula hadlayay magaalada St. Petersburg  oo shir uga socday Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, iyadoo shirkaas lagaga hadlay arrimaha dhaqaalaha ee Afrika iyo iskaashiga Ruushka.

Sidoo kale, Madaxweyne Putin ayaa  madasha  ka sheegay in dhexdhexaadnimada Ukraine, sida lagu sheegay ku dhawaaqista madaxbannaanida, ay aasaas u tahay Ruushka.

Dhinaca kale, Dowladda Ruushka, ayaa bayaan ay kasoo saartay shirka Petersburg St, ku sheegtay sida ay u danaynanay ganacsiga iyo xidhiidhka Afrika, isla markaana waxay xustay in dadweynaha Afrika si daacad ah u dannaynayaan in ay sii qoto dheereeyaan ganacsiga dhinacyada baddan leh, maalgashiga iyo xidhiidhka bini’aadantinimo ee qaaradda, kaas oo buuxiya baahiyaha dhammaan dalalkayaga oo kor u qaadaya kobaca iyo barwaaqada iyo xasilloonida”ayaa lagu yidhi bayaanka.

Ganacsiga Ruushka iyo Afrika waxa uu sannadkii hore gaadhay 18 bilyan oo dollarka Maraykanka ah. Waa natiijo cad oo ka soo baxday shirkii Ruushka iyo Afrika,  “Sannadkii hore ganacsiga Ruushka ee dalalka Afrika ee wax soo saarka beeraha ayaa kordhay 10 boqolkiiba ilaa $6.7 bilyan, waxana uu hore u muujiyay kobbaca rikoodhka ah ee bilihii January-June ee sanadkan 2023, isagoo kordhay 60 boqolkiiba” sida lagu sheegay warka kasoo baxay shirka St. Petersburg.

Dhinaca kale, shirka ayaa muujiyay sida uu Ruushku isugu ballaadhiyay Afrika iyo in dalal baddan oo reer galbeedku gacanta ku hayeen oo ka mid ah kuwa ugu khayraadka baddan ee Afrika, isla markaana u leh ahmiyad Istiraatiijiyadeed oo Millateri iyo mid dhaqaale ay ugu gacan galeen sannadihii u danbeeyay Ruushka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post