X

Madaxweynaha Somaliland Iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Maxay Kaga Wada Hadleen Kulan Albaabada Loo Xidhay?

Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan albaabada loo xidhay  Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.

Lama ogga arrimaha dhabta ah ee lagaga hadlay kulankaa oo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn. Hase yeeshee Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa qoraal saxaafadeed kooban oo kulanka kaddib uu soo saaray, wuxuu ku sheegay in lagaga hadlay kulnaka arrimo muhiim ah oo la xidhiidha xaalada dalka ee Qaramaynta Ciidamada Medeniga ah oo xukuumaddu ku hawlantahay iyo  sidoo kale, sidii Somaliland ugu sii socon lahayn dhabaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka Madaxtooyadda Kulanka oo ahaa mid ka yimi dhanka mucaaradka oo ay Madaxweynaha ka dalbadeen Hoggaanka Sare ee Kulmiye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Xukuumaddiisa ayaa aqbalay sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxayna ku qaabileen Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye niyad-samaan, laab-furnaaan iyo hannaanka wada-shaqeynta Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadda haatan talada haysa.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay isla markaana lagu gorfeeyey arrimo door ah oo mudnaan u leh Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu xusay war-saxaafadeedka in arrimaha lagu soo qaaday oo ay ka mid ahaayeen:
1. Ka wada shaqaynta amniga, xasiloonida iyo difaaca Qaranka,
2. Adkaynta midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland,
3. Qabyo-tirka iyo kobcinta hannaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka dalka,
Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay Madaxweynaha la wadaageen talooyin guud oo la xidhiidha xaaladaha haatan taagan ee xagga amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Dhankooda Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo weliba tiro-koobka madax taabashada ah ee dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Sida lagu xusay war-saxaafadeedka Madaxweynaha iyo hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhimadda ay leedahay in laga gudbo khilaafaadka siyaasadeed si loo helo Somaliland u midaysan horumarkeeda meelna uga soo wada jeestada cadawgeeda, isla markaana loo xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyada iyo baahida loo qabo hannaan doorasho oo hufan oo caddaalad ah, iyada oo la xoojinayo sharcinimada hay’adaha dalka ee dimuqraadiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye mar kale u xaqiijiyey in albaabkiisu uu mar walba u furan yahay iyaga iyo Xisbiyada kale ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca Xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE, waxa ku matalayay kulanka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, Maxamed Kahin Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Axmed Cabdi Dheere, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Madaxtooyadda.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post