X

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Oo Weerar Lagu Qaaday Iyo Kremlin OO Ka Hadlay

Madaxweynaha Ruushka Putin dhexda iyo Labada General ee Gen. Valery Gerasimov iyo Gen. Sergey Surovikin, Image File Araweelo News Network, 12 Jan 2023.

#Araweelo_News_Network.

 

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka badbaaday shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo xilli habeen ah.

Aqalka Kremlin ee looga taliyo Ruushka, ayaa xaqiijiyay in uu jiray isku dayga la doonayay in lagu khaarakiyo Madaxweyne Putin, balse Bayaan kasoo baxay Ruushka ayaa lagu sheegay in la fashiliyay isku daygaa.

Bayaanka, ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa mid loo adeegsaday diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaas oo weerarka ay soo qaadeen ku beegsaday aqalka Kremlin.

“Weerarku wuxuu ahaa isku day lagu doonayay in lagu dilo madaxweyne Vladimir Putin.” Ayaa lagu yidhi, bayaanka Kremlin, waxaana si cad loogu eeddeeyay Ukraine.

Maamulka Ukraine ayaa beeniyay eeddeymaha ay kaga yimi Aqalka Kremlin, iyadoo weerarku dhacay xilli habeen ah, kaas oo ahaa sida lagu sheegay bayaanka inuu aha isku dayday la doonayay in dilo Vladimir Putin. Laakiin Bayaanka Kremlin ma bixin tafaasiil dheeraad ah.

Dhinaca kale, waxa la arkayay muuqaal diyaarad Drone ah oo kusoo dhacaysa meel dhisme ah oo Aqalka Kremilinka u eeg, taas oo burburtay, mana jiro wax khasaare ah oo laga soo sheegay inuu geystay weerarku.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post