X

Madaxweynaha Brazil Luiz Lula Oo Hoggaamiyaha Jarmalka Iyo Xulufadda Maraykanka U Quus Gooyay

Olaf Scholz iyo Luiz Inacio Lula, Image Araweelo news Network. 1 Feb 2023.

#Araweelo_News _Network.

Brasilia(ANN)-Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa sheegay in kasta oo aanu danaynaynin in uu rasaas u keeno Ukraine, haddana uu leeyahay soo jeedin dhexdhexaadin ah, taas oo ku lug leh Shiinaha.

“Brazil waa waddan nabadeed. Waana sababtaas sababta Brazil aannay u doonayn inay ka qaybgasho dagaalkan, xitaa si dadban,” ayuu yidhi, Madaxweynaha Brazil, Lula, wuxuuna sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ra’iisal wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, oo booqasho afar maalmood ah ku jooga gobolka.

Lula ayaa sheegay in dalkiisa uu la shaqeyn doono kuwa kale si ay gacan uga geystaan sidii nabad looga dhalin lahaa Ukraine, wuxuuna tilmaamay doorka Shiinaha ee wadahadallada nabadda ee Ruushka iyo Ukraine.

“Saaxiibadeena Shiinaha ayaa door muhiim ah ku leh arrintan,” ayuu yidhi siyaasiga garabka bidix ee Lula, “Waxaa la joogaa waqtigii Shiinaha uu kor u qaadi lahaa doorkiisa,”ayuu yidhi, Madaxweyne Lula.

Wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday, sida aannay marnaba diyaar ugu ahayn inay taageero Millateri oo toos ah iyo mid dadban u siiyaan Ukraine,  sida ay sameeyeen dalal badan oo Midawga Yurub, amma NATO ku jiraa, balse taas bedelkeeda ay dhiirigelinayaan nabada iyo sidii loo heli lahaa heshiis nabadeed oo lagu soo ajaro collaadda.

Dhinaca kale, Brazil, China iyo Russia ayaa qayb ka ah wadamada dhaqaalahoodu soo korayo ee BRICS, kuwaas oo ay sidoo kale ku jiraan Hindiya iyo Koonfur Afrika.

Balse waxa xusid muddan in Brazil ay ka mid ahayd 141-ka waddan ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee sannadkii hore u codeeyay inay cambaareeyaan duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post