X

Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Ka Hadlay Shil Sababay Dhimashada Hooyo umul Ahayd

Maayarka Caasimadda Hargeysa, cabdikariim Axmed Mooge, Image file Araweelo News Network, 21 August 2023.

Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa goor dhowayd ka hadlay shil uu sababay gaadhi ay leedahay dawladda Hoose ee Hargeysa, kaas oo Haweenay Umul ahayd dhawr bilood ku jiidhay, isla markaana dareewalkii iyo shaqaalihii la socday gaadhiga kaga tageen maydka marxuumadda wadada.

Arrintan ayaa ahayd mid naxdin baddan, iyadoo qoyska Hooyadaasi ka baxday oo degan Xaafadda Boqol jire ee Galbeedka magaalada Hargeysa u sheegeen warbaahinta in kooxda dawladda Hoose ee gaadhiga wadatay markii ay jiidheen Haweenayda gaadhiga ku qaateen adhi ay haysatay, sidaaba kaga tageen maydka Marxuumada.

Maayar Cabdikariim Axmed Mooge oo arrintan ka hadlay xilliga laysu diyaarinayo suxuurta, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ku sheegay sida uu uga xunyahay shilkaa iyo wixii meesha ka dhacay, isagoo xusay inuu la kulmay qoyska marxuumadda, isla markaana ay balmeen.

Maayar Mooge, wuxuu sheegay in arrinta ay gacanta ku hayaan Booliska Somaliland oo ay baadhayaan, balse wuxuu sheegay innuu beeninayo wararka la faafiyay ee la xidhiidha dhacdadaa, wuxuuna shacabka ugu baaqay in aan la rumaysan, isagoo yidhi, “Ramdaan kariim”.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post