X

#Laascaanood: Garaarada Oo Bayaan Kasoo Saaray Go’aamadii Shirka Beellaha Habarjeclo

 

#Araweelo_News_Network.

Laascaanood(ANN)-Odayaasha Garaadada Dhaqanka ee Dhulbahante ayaa soo saaray bayaan ay kaga jawaabeen go’aamadii toddobaadkii hore kasoo baxay shirkii Beellaha Habarjeclo ee Magaalada Burco ee xarnta gobolka Togdheer.

Go’aanka kasoo baxay shirka Beellaha Habarjeclo oo ahaa mid si weyn loogu dheg taagayay, ayaa lagu shaaciyay mawqifka ku aaddan difaaca deegaankooda iyo qarankooda, balse waxa lagu bayaamiyay in aannay beel ahaan doonayn dhul dadka deegaanka ee ay xadka dheer wadaagaan, gaar ahaan Beesha Dhulbahante ee ay ood wadaagta iyo ehelka yihiin aannay duulaan ku ahayn.

Go’aanka oo xanaabrsanaa nuxur baddan iyo mawqifkooda ku waajahan collaada gobolka Sool, waxa ay Odayaasha dhaqanka ee Garaarada Dhulbahante kaga jawaabeen Bayaan ka kooban Afar qodob.

Nuxurka Bayaanka ayay ku sheegeen iyagoo daba socda go’aamada shirka Beellaha Habarjeclo innay diyaar u yihiin in ay nanbad ku wada noollaadaan Beellaha Habarjeclo ee ay wadaagaan deegaanka ballaadhan ee daaqa iyo baadku ka dhexeeyay.

 

Bayaanka waxay ku sheegeen innay dhiirigelinayaan nabada iyo in aannay doonayn collaad oo aannay duulaan ku ahayn dhulka Habarjeclo iyo deegaamo kale oo Beellaha Isaaq ah, isla markaana aan wax duulaan ah ka imanayn dhankooda, sidaa awgeed waxay  codsadeen in sidaas oo kale Beellaha ay dirirtu dhexmartay u xakameeyaan inay duulaan soo qaadaan.

Qodobada Odayaasha Laascaanood Halkan ka Akhri.

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post