X

Laascaanood: Dhacdooyinkii U Danbeeyay

Shirka waxgaradka, Odayaasha iyo Garaadada Sool, 8 Jan 2023, Image Araweelo News Network.

#Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)-Deganaansho ayaa laga dareemayaa xaaladda Magaaladda xarrunta u ah gobolka Sool ee Laascaanood, Kaddib go’aan kii ay soo saareen guddida khusuusiga ee ka kooban 33 xubnood maalintii ay taariikhdu ku beegnayd  Jan 1 2023.

Waxaa muuqanaysa in Kacdoonkii shacabka uu hakaday , iyadoo shacabka reer laascanood ay ka war sugayaan guddida uu magacaabay Garaad jaamac Garaad ismaaciil iyo waxa ay noqoto natriijadda kulamada wefdiga Xukuumadda Somaliland ee Laascaanood u jooga sidii xal loogu raadin lahaa mushkilada.

Shirka Garaadada kasoo jeeda SOOL, SANAAG IYO CAYN (SSC), ayaa la filayaa inuu ka qabsoomo magaalada laascaanood. Qodobkaa iyo ka bixistii ciidanka ee Magaalada ayaa sabab u noqday inay mudaahaaradyada shacabku joogsadaan, iyadoo ay barar socdeen baaqyo nabadeed oo xaaladda lagu dejinayo.

 

Waxaa weli magaalada ka maqan shacabkii u badnaa maatada, kuwaa oo ku barakacay Guud ahaan degmoyinka ,iyo Tuulooyinka Gobolka Sool, iyo Gobollada kale ee deriska la ah.  Waxaase jira qooysas ku noqonaya magaalada laascaanood, wallow annay sidaa u badnayn.

 

Xarrumaha dowliga ah ee magaalada laascanood waxaa ka hawlgala ciidmada u dhahsay deegaanka Sool ee Somaliland ka tirsan, kuwaas oo hoos taga Taliye Mahad Cambaashe.

Sidoo kale, waxa dibadda ka jooga magaalada ciidaamada Somaliland, kuwaas oo laga saaray markii ay xukuumadda Somaliland amartay, iyadoo fulinaysa dalabkii Odayaasha iyo waxgaradka Sool.

 

Dhinaca kale, waxa magaalada Laascanood markii arrimaha kacdoonku dhacay soo gaadhay madax iyo masuuliyiin xilal kala duwan ka haya Xukuumadda Somaliland,  balse soo dhowayn iyo taageero kamay helayn shacabka, wallow ay kulamo la yeesheen guddida deegaanka, isla markaana kulankii u danbeeyay kaddib qodobo ay masuuliyiinta xukuumadda Somaliland soo saareen, waxa ganafka ku dhuftay Afhayeen u hadlay xubnaha guddida oo sheegay in aannay waxba isla meel dhigin masuuliyiinta ka socda xukuumadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhabarka u ridatay dadkii ku dhintay kacdoonka ka dhacay Laascaanood, waxaana la siidayay dhammaan dadkii loo xidhay rabshadaha, sida ay wasiirrada Somaliland eek u sugan Laascaanood ku sheegeen war-saxaafadeedkii u danbeeyay ee ay saaraan intii ay ku sugnaayeen gobolka.

 

Waxaa si hoos u dhaci ka muuqato u shaqaynaya ganacsigii magaalada Laascanood, iyadoo ay inta baddan xidhan yihiin meheraddaha ganacsi, wallow jiraan meherado shaqaynaya, balse waxaa laga dareemayaa Guud ahaan magaalada inuu ku yimi hoos u dhac Dhaqaale.

 

Khuburada dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka ayaa sheegaya in magaalada Laascaanood ay Dhaqaale ahaan ka soo kaban karto Dhaqaale burburkii soo gaadhay ugu yaraan muddo 6 bilood ah. waa haddii ammaan la helo.  Haddii kale Xaaladdu way ka  sii daraysaa  sida ay saadaaliyeen khuburadaasi ku xeel xeel dheer dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post