X

Laascaanood: Dagaalka Oo Dib U Bilaabmay Iyo Ergooyinka Ku Qulqulaya Sool

#Araweelo_News_Network.

 

Laascaanood(ANN)-Dagaalka ayaa dib u bilaabamay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ay ergooyinka salaadiinta ah kusii qulqulayaan deegaanka Yagoori ee duleedka Laascaanood.

Dagaalka maanta ka dhacay Laasaacood, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaadhay, sidoo kale waxay wararku sheegayaan inuu jiro burbur xooggan.

Dagaalka ayaa bilaabmay subaxnimadii hore, ayaa ka dhashay kaddib markii Malayshiyada ka dagaalamaya halkaa ay weerar kusoo qaadeen fadhiiimada ciidanka qaranka Somaliland,  sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha Guddha Somaliland, halkaas oo uu ka dhashay dagaal ballaadhan oo socday ilaa xillli danbe.

 

“si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan kusoo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday.” ayaa lagu yidhi, war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha Guddaha Somaliland.
Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo fulinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed ay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka Qaranku weerar maaha.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celinaysaa in loo hogaasamo xabad joojinta, lana aqbalo Ergada Nabada ee ku Sugan Gobolka Sool.” ayaa lagu yidhi warka qoraalka ee Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Guddaha Cabdullaahi Axmed Caarshe.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhinaca kale, ku xustay warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha guddaha inay taageerayso ergada madax-dhaqameedka ee halkaa u tegey inay ka shaqeeyaan sidii dagaalka loo soo afjari lahaa.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post