X

Laascaanood Dagaalka Laysugu Awood Sheegtay

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo booqday fadhiisinka ciidanka qaranka ee Tukaraq 14 July 2020. Araweelo News Network.

#Araweelo_News _Network

 

Laascaanood{ANN)-Dagaal laysku muquuniyay ayaa saaka ka bilaabmay magaalada Laascaanood, kaas oo sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan sababay dhimasho Iyo dhaawac, Isla markaana lagu furtay gaadiidka gaashaaman.

Dagaalka ayaa bilaabmay Kaddib markii Ciidamadda maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntaland oo ay is kaashanayaan Malaydhiyada deegaanka Iyo weliba Malayshiyaad ka yimi dhinaca Magaalada Badhan Afar Jiho kasoo weerarreen ciidanka Qaranka Somaliland oo ku Jira difaac, Isla markaana dhawraya Cabban-joojinta.

 

Hase yeeshee wararka hordhaca ah ee Araweelo News Network. ka helayso halkaa, ayaa sheegaya in Ilaa Lix Gaadhi laga qabsaday ciidanka Puntland Iyo Malayshiyaadka, Isla markaana ay jiraan mabaaxiid ku dhowaad Afartameeyo ah, kuwaas ciidanka Qaranka Somaliland u kala firdhiyeen Afarta  Jiho ee ay weerarka kaga soo qaadeen.

Balse wararka ayaa intaa ku diray in dagaalka socdo Ilaa xiligan, iyadoo Ciidmada dhinaca Puntland ee ka yimi dhanka Garoowe loo caydhiyay jihadii ay ka yimaadeen, halka Malayshiyada deegaanka Iyo kooxaha weheliya loo caydhiyay dhinaca Guddaha Magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka filayaa Inay saacadaha soo socda la wadaagto warbaahinta guusha ay Ciidamadda Qaranka Somaliland ka gaadheen dagaalka Iyo sidoo kale, gaadiidka Iyo Maxaabiista la qabtay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post