X

#Israel Oo Ku Khasabtay Kolanyo Baabuur Gargaar Oo #Masar Leedahay In Aannay Kasoo Talaabin Xadka

Iran Iyo Hezbollah Waxay Ku Biiri Doonaan Dagaalka Yuhuuda, Sarkaal Xamaas U Hadlay

#Araweelo_News_Network.

 

Tel A viv (ANN)-Ciidamada Israel ayaa sheegay in baarlamaanka Gaza iyo wasaaradaha rayidka ah ay yihiin bartilmaameedyo sharci ah oo ku wajahan duulaanka ka dhanka ah Xamaas. “Haddii uu jiro nin hubaysan oo gantaalo ka soo ridaya halkaas, waxay isu beddeshaa bartilmaameed Milllateri,” afhayeenka ciidamada Israel Richard Hecht ayaa sidaa yidhi, isagoo u waramaya Warbaahinta Israel.

Ciidamada cirka ee Israel ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha dhanka cirka ah iyadoo saraakiishu ay intaa ku dareen in ka badan 1,000 weerar ay horey uga dhaceen Qaza. Millateriga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay burburiyeen Masjid ay sheegeen in uu ahaa goob hub lagu diyaarinayay.

Hase yeeshee Saraal sare oo ka tirsan Xamaas, ayaa sheegay in xulafadda sida Iran iyo Hezbollah ay ku biiri doonaan dagaalka “haddii Gaza lagu soo qaado dagaal lagu xasuuqayo” Sarkaal ka tirsan Milliteriga Israa’iil ayaa soo jeediyay in Falastiiniyiinta ka cararaya weerarada cirka ee Marinka Gaza ay u jiheystaan Masar.

Xukuumadda Yuhuuda ayaa ku hanjabtay in Gaadiid dhinaca Masar ka imanayay oo Falastiiniyiinta u siday gargaar ay la beegan doonaan duqaymo, taas oo khasab ka dhigtay in Gawaadhida Gargaarka ee Masar ayaa dib u gurtaan, iyadoo diyaaraddaha Israel ay tuurayaan Bambaanooyin halis ah, isla markaana duqaymaha maraakiibta dhinaca Badda ay kaga imanayaan Qaza oo ah kuwo aan sidan oo kale marnaba u dhicin, iyadoo gebi ahaanba la godoomiyay Qaza oo xaalladda ka jirtaa si weyn usoo jiidatay indhaha caalamka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post