X

Israel Oo Dagaalka Xamaas Ku Khasbay Innay Dalbadaan Heshiis

Benjamin Netanyahu , Ra'iisal wasaaraha Israel, Image Araweelo News Network, 29 Oct 2023.

#Araweelo_News_Network

Tel Aviv (ANN)÷ Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa shir guddoominaya shirka gollaha wasiirrada ee Tel Aviv ayaa u muuqda inuu garwaaqsado guuldarada dagaalka socday muddo ka baddan saddex bilood oo Millateriga Israel dagaalka u dhexeeya Xamaas oo aa waxba loo hanbayn duqayn iyo go’doomin shacabka Falastiin ee Qaza.

Xilligan Israa’iil ayaa soo jeedisay in la joojiyo dagaalka cusub si ay Xamaas u sii deyso la haystayaasha weli lagu haysto Qaza, sida uu ilo xog ogaal ah u sheegeen CNN.

Arrintan ayaa calaamad u noqon doona isbeddel weyn tan iyo markii hawlgallada Millateri ee Israa’iil ay dib u bilaabeen dagaalka iyo wada xaajoodka aan rasmiga ahayn ee qaar ka mid ah la haystayaashi.

Rajada Xabbad joojinta cusub ee dagaalka, madaxa siyaasadda Xamaas ayaa booqday dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee Masar Arbacadii toddobaadkan.

Israa’iil ayaa soo jeedisay innay mar kale keeni doonto la haystayaal ay ku jiraan haween, kuwaas oo ay doonayaan in lagu sii daayo wejiyo, iyada oo hadafka ugu dambeeya ee dhammaan la haystayaasha Qaza ay ka baxaan.

Laakiin xoggaha ay heshay CNN, ayaa ku nuuxnuuxsatay in heshiisku aanu wakhtigan dhaw ahayn, isla markaana ka doodista soo jeedintu ay calaamad u tahay, ugu badnaan, bilowga wada xaajoodyada, balse weli Israa’iil ayaa u muuqata inay dib ugu soo laabanayso miiska wadahadalka, taas oo muujinay in Israel iyo xullufadeeda Maraykanku garwaaqsadeen guuldarada sidaa awgeed at raadiyaan dariiq ay kaga waxaan weliga guuldarada dagaalka Qaza.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post