X

#Israel: Mudaharaadyo Gilgilay Markii La Dilay Lahaystayaal Ku Jiray Gacanra Xamaas

 

#Israa’iil Oo tijaabinay #Daadadka Lagu #Qarqinayo Godadka #Xamaas Ee #Qaza

#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)-Kumanaan dadka Israa’iiliyinta ah, ayaa si weyn uga muujiyay cadho, kaddib markii Milatariga Israa’iil ay sheegeen  innay si khalad ah u dileen saddex nin oo ay Xamaas qafaasheen intii uu socday duulaanka Millateriga Israel ee IDF.

Saddexda Nin oo ka mid ahaa dadkii ay Xamaas haysatay ee ka hadhay in ka baddan 200 qof oo Xamaas afduubeen markii uu dhacay weerarkii 7-dii October.2023

La haystayaasha ayaa intii badnayd lasii daayay, laakiin  Saddexda qof ee Israa’iiliyiinta ah oo ka mid ah ilaa hadda kuwa gacanta ugu jira Xamaas ayaa la sheegay in la toogtay kaddib markii lagu qalday hanjabaad ay kala kulmeen askarta IDF ee dagaalka kula jirta xoogaga Islaamiyiinta Falastiin ee Xamaas ee ku sugan marinka Qaza.

Dibad-baxayaashu waxay dalbanayaan in si degdeg ah loo soo celiyo la haystayaasha harhadhsan  ee weli Xamaas ku hayso goobo aan la ogayn, waxayna boqolaal qof oo ka mid ah shacabka Israel oo sita boodhadh ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin arrintaa isugu soo baxeen qaar ka mid ah Magaalooyinka Israel.

Sidoo kale, waxay dadka ka cadhaysan oo qaarkood yihiin Ehelada la haysatyaasha ku baaqayaan in Ra’iisal wasaaraha Yuhuuda Netaniyaho is casilo iyo la joojiyo dagaalka, maadamaa aannay jirin guul laga gaadhay dagaalka socday saddexda Bilood, isla markaana aannay xukuumadda Israel jirin meel ay kaga waranto la haystayaasha oo ay ku dooddayaan in amaankooda laga hormariyo wax walba iyo inta la qaadin tallaabo Millateri oo aan loo baahnaynI.

 

Israa’iil Oo tijaabinay Daadadka Ay U Qorshaysay in Lagu Qarqiyo Godadka Xamaas Ee Qaza

#Araweelo_News_Network

Dhinaca kale, Todobo toddobaad oo uu socday howlgalka dhulka, duulaanka iyo duqaynta  Israa’iil ee Qaza, mid ka mid ah caqabadaha ugu muhiimsan ee waajahaya militeriga Israa’iil ayaa ah shaybaadhka godadka Xamaas oo ay sheegtay in uu dhan yahay marrinka oo dhan, taas oo sababtay guulrarada weyn ee Millateriga Israel.

Qorshaha Israel ku doonnayso in lagu burburiyo shabakadda dhulka hoostiisa, Israa’iil waxay billowday in ay ku daadiyaan qaar ka mid ah Godadks Qasa biyaha Badda, sidaana waxa shaacisay CNN oo soo xigganay sarkaal Maraykan Salaasadii, isaga oo intaa ku daray in Israa’iiliyiintu ay “si taxaddar leh u tijaabinayaan” habkaa si xaddidan”.

Hase yeeshee waxa sii kordhaya Wallaaca haddii lagu guulaysto, daadku waxa uu noqon karaa mid sii kordhin kara masiibada bini’aadanimo ee ka jirtay Qaza iyo in ay ku qaraqmaan la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post