#Israa’iil Oo tijaabinay #Daadadka Lagu #Qarqinayo Godadka #Xamaas Ee #Qaza
#Araweelo_News_Network.
Tel Aviv (ANN)-Kumanaan dadka Israa’iiliyinta ah, ayaa si weyn uga muujiyay cadho, kaddib markii Milatariga Israa’iil ay sheegeen innay si khalad ah u dileen saddex nin oo ay Xamaas qafaasheen intii uu socday duulaanka Millateriga Israel ee IDF.
Saddexda Nin oo ka mid ahaa dadkii ay Xamaas haysatay ee ka hadhay in ka baddan 200 qof oo Xamaas afduubeen markii uu dhacay weerarkii 7-dii October.2023
La haystayaasha ayaa intii badnayd lasii daayay, laakiin Saddexda qof ee Israa’iiliyiinta ah oo ka mid ah ilaa hadda kuwa gacanta ugu jira Xamaas ayaa la sheegay in la toogtay kaddib markii lagu qalday hanjabaad ay kala kulmeen askarta IDF ee dagaalka kula jirta xoogaga Islaamiyiinta Falastiin ee Xamaas ee ku sugan marinka Qaza.
Dibad-baxayaashu waxay dalbanayaan in si degdeg ah loo soo celiyo la haystayaasha harhadhsan ee weli Xamaas ku hayso goobo aan la ogayn, waxayna boqolaal qof oo ka mid ah shacabka Israel oo sita boodhadh ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin arrintaa isugu soo baxeen qaar ka mid ah Magaalooyinka Israel.
Sidoo kale, waxay dadka ka cadhaysan oo qaarkood yihiin Ehelada la haysatyaasha ku baaqayaan in Ra’iisal wasaaraha Yuhuuda Netaniyaho is casilo iyo la joojiyo dagaalka, maadamaa aannay jirin guul laga gaadhay dagaalka socday saddexda Bilood, isla markaana aannay xukuumadda Israel jirin meel ay kaga waranto la haystayaasha oo ay ku dooddayaan in amaankooda laga hormariyo wax walba iyo inta la qaadin tallaabo Millateri oo aan loo baahnaynI.
Israa’iil Oo tijaabinay Daadadka Ay U Qorshaysay in Lagu Qarqiyo Godadka Xamaas Ee Qaza
Dhinaca kale, Todobo toddobaad oo uu socday howlgalka dhulka, duulaanka iyo duqaynta Israa’iil ee Qaza, mid ka mid ah caqabadaha ugu muhiimsan ee waajahaya militeriga Israa’iil ayaa ah shaybaadhka godadka Xamaas oo ay sheegtay in uu dhan yahay marrinka oo dhan, taas oo sababtay guulrarada weyn ee Millateriga Israel.
Qorshaha Israel ku doonnayso in lagu burburiyo shabakadda dhulka hoostiisa, Israa’iil waxay billowday in ay ku daadiyaan qaar ka mid ah Godadks Qasa biyaha Badda, sidaana waxa shaacisay CNN oo soo xigganay sarkaal Maraykan Salaasadii, isaga oo intaa ku daray in Israa’iiliyiintu ay “si taxaddar leh u tijaabinayaan” habkaa si xaddidan”.
Hase yeeshee waxa sii kordhaya Wallaaca haddii lagu guulaysto, daadku waxa uu noqon karaa mid sii kordhin kara masiibada bini’aadanimo ee ka jirtay Qaza iyo in ay ku qaraqmaan la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com