#Araweelo News Network

 

Qaza (ANN)- Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya in Israel ku guulaysatay dilka Hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, Ciidamada srael ayaa Khamiistii sheegay in ay baadhayaan in hoggaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar uu ku shahiiday weerar ka dhacay Qaza.

Weerarka la sheegay in lagu dilay Hoggaamiyaha Xamaas sida ay soo werisay Aljazeera Israel waxa kaloo ay ku dishay weerarka ugu yaraan 19 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur, iyagoo xusay in weerarkaasi uu ka dhacay dugsiga UNRWA oo hoy u ah dad barakacayaal ah oo ku yaalla Jabalia, oo dhacda dhanka waqooyiga Qaza,

Dagaalyahanka Xamaas ayaa ka hadlay sheegada Israel ee warka dilka Yahya Sinwar, waxayna si cad u  beenisay in ay jiraan xubno ka tirsan ururkooda oo lagu dliay weerarka, balse ma beenin Xamaas inuu dhacay weerarka dugsiga.

Dhankooda Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay sameeyeen baadhitaan dhanka DNA ah, kaas oo ay ku oggaadeen in Yahya Sinwar lagu dilay goobtaa, wallow Wasiirka dagaalka Israel Gallant uu goor danbe sheegay in baadhitaanada ay wali socdaan oo ay si rasmi ah u shaacin doonaan.

Sidoo kale, Xukuumadda Israel ayaa sheegtay in sadex xubnood oo Xamaas ay ku shahiideen israsaasayn ka dhacday dhisme ku yaala magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza, iyadoo mid ka mid ah uu ahaa Sinwar. laakiin goor danbe ayay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel waxay soo saartay  bayaan ay ku sheegay inuu yahay mid ay ku xaqiijinay geerida Yahya Sinwar.

Hase yeeshee waxa bayaanka kaddib arrinta mar kale ka hadlay millateriga Israel, waxayna  bayaan ay soo saareen ku sheegeen in Sinwar lagu dilay Arbacadii is-rasaasayn ka dhacday Koonfurta Qaza.

 

Wararka shakiga iyo su’aalaha dhaliyay waxa xudun ah in Israel siyaabo kala duwan uga hadashay dilka Hoggaamiyaha Xamaas iyo goobo kala duwan inuu ka dhacay, sida magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza iyo in weerarkaasi uu ka dhacay dugsiga UNRWA oo hoy u ah dad barakacayaal ah oo ku yaalla Jabalia, oo dhacda dhanka waqooyiga Qaza iyo weliba xilliyo kala duwan sida lagu sheegay warka dilka hoggaamiye yaxya  dhamaman sheegashooyinka oo ay beenisay xamaas ayaan si dhab ah loo hayn xaqiijin.

Dhammaan wararka la xidhiidha in la dilay Hoggaamiyihii xamaas, ayaa ah kuwo aan si dhab ah loo xaqiijin karin, wallow Israel siyaabo kala duwan oo mugdi gelinaya jiritaanka warka uga hadashay, waxayna marar baddan sidan oo kale Israel u sheegtay in la dilay Yahya Sinwar ka hor intii aan loo dooran hoggaanka Xamaas, wixii ka horeeyay dilka hoggaamiyihii Xamaas Ismaail Haniyah oo ay Millateriga Israel iyo masuuliyiinta xukuumadda ay sheegeen in lagu dilay weerar intii uu socday dagaalka Qaza, wallow wararkaas ay beenoobeen.laakiin xilligan danbe oo israel iyo xullufada Maraykanku ku guulaysteen dilalka Hoggaamiyayaashii Xamaas iyo Xisbullah, waxay sheegada Israel ee dilka Yahya Sinwar noqon kartaa mid macquul ah, wallow qaabka dilkiisa ay tafaasiil ka duwan qaabkii loo dilay labada hoggaamiye ay ka duwan tahay.

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com