#Araweelo_News_Nerwork.

Tehran(ANN)- Xukuumadda Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa ganafka ku dhufatay qorshaha Madaxweyne Biden ee ah in Xamaas shuruud la’aan ku aqbasho heshiiska uu soo bandhigay hiidihiisa ee Isael iyo Xamaas .

Madaxweyne Biden oo lsi badheedh ah ula safnaa Xukuumdda Yuhuuda dagaalka Israel iyo Xamaas ee Qaza, isagoo muujinayay taageerada xasuuqa Xukuumadda Israel ee shacabka Falastiin.

Maamulka Yuhuuda oo taageero Millateri ka helay Maraykanka iyo xullufadiisa ayaa xilligan caqaab ku ah qorshaha soo laabashada kursiga ee Biden, isagoo Madaxweyne Biden doonaya sidii uu  doorashada Maraykanka uga badbaadi lahaa guuldaro .

Madaxweyne Biden, ayaa xilligan daaha ka qaaday Jimcihii soo jeedin saddex weji ah oo Israel ay soo jeedinayso si loo soo afjaro dagaalka Qaza, taas oo ku lammaanayn doonta sii deynta la haystayaasha iyo weliba”xabad joojin buuxda oo dhamaystiran.”, lakakiin Biden oo sheegay in aannay Xamaas shuruud ku xidhin hindisaha Maraykanka, ayaan qorshihiisa laga soo dhowayn dhinaca Xukuumadda Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu, taas oo sababtay in Maraykanku gollaha amaanka weydiisto qaraar lagu meel marinayo qorshihiisa, isagoo sidoo kale, usoo jeediyay dalalka Caalamka iyo kuwa gobolka innay taageeraan.

Hase yeeshee Xukuumadda Iran ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay hindisaha Maraykanka ee ku waajahan qorshaha dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday sideedda bilood.

Ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa meesha ka saaray heshiiskii xabad joojinta Qaza ee uu soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, wuxuuna uga digay Israa’iil inay dagaal dhan walba ah ku qaaddo Lubnaan mar uu booqasho ku tagay Beirut Isniintii, taasoo ah booqashadii ugu horreysay ee diblomaasiyadeed oo rasmi ah tan iyo markii uu dhintay madaxweynihii ka horreeyay. bishii hore.

Laxidhiidha: Israel: Netanyahu Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshaha Nabadda Ee Soo Jeedinta Madaxweyne Biden Iyo Qirashada Guuldarada Dagaalka

Cali Bagheri Kani waxa uu bedelay Hossein Amirabdollahian, oo ahaa nin ad-adag oo aad ugu dhawaa Ilaalada Kacaanka, kaas oo ku dhintay shil diyaaradeed 19-kii May dhul buuraleay ah oo u dhow xuduudka Iran ay la wadaagto Azerbaijan, iyadoo uu weheliyo Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo wafdi saraakiil kale ah.

Tehran, oo ah taageere muhiim u ah kooxda Falastiiniyiinta ee ka dagaalanta Marinka Qaza, Yemen, iyo mawaaqimooyinka kale  ayaa taageera tiro ka mid ah jabhadaha hubaysan ee gobolka, kuwaas oo  Xisbullah oo ah Millateri awood baddan oo Lubnaan ka jira kow ka yihiin.

Xisbullah, ayaa loo arkaa innay tahay tan ugu awoodda badan ay kuwa Iran taageerto ee gobolka, waxayna u muuqataa Hezbollah, innay tahay, ama ay  noqon doonto difaacii ugu horeeya ee Tehran hadii uu dhacdo dagaal toos ah oo u dhaxeeya Iran iyo Israel oo ay weheliyaan Maraykanka iyo xuluufaddiisa.

Diidmada Iran ee hindisaha Maraykanka, ayaa ah saamaynta ugu weyn ku leh qorshe kasta oo sii socodka dagaalka la xidhiidha, ama nabadeed, iyadoo khuburada arrimaha Bariga dhexe ee Maraykanka bilawgii dagaalka  ku taliyeen in Maraykanka iyo dalalka reer galbeedku ku khasbanaan doonaan in ugu danabaynta miiska lala fadhiisto Iran haddii la doonayo in la joojiyo dagaalka israel iyo Hamaas ee Qaza, laakiin maamulka Biden ayaa dhexda ugu jira guuldarooyinka Israel iyo inuu sii socdo dagaalka Qaza, ilaa inta la gaadhayo hadafkii Israel ee beenoobay, kaas oo ahaa in la tir-tirayo Xamaas oo meesha laga saarayo, si markaa kaddib ay ula wareegaan Yuhuudu Qaza, oo ay u noqoto deegamada ay haystaan ee dhulka Falastiin.

Jimcihii, mar uu khudbad ka jeedinayay Aqalka Cad, Biden waxa uu sheegay in Xamaas la bahdilay oo la gaadhsiiyay heer aannay qaadi karin noocii weerar ee la arkay 7-dii October ee bilaabay dagaalka hadda ka socda Qaza.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden wuxuuna hadalkiisu noqday mid aan gabasho lahayn oo uu qiil u doonaya inuu taageeradiisa ku qariyo guuldarada Israel iyo xullufaddiisa Maraykanka loo xanbaariyay, taas oo loo fasirtay mid innay tahay qiiq aan jirin isku qarin ah iyo weedho dhaawac ku ah mustaqbalkiisa iyo xataa maqaamka siyaasadda Maraykanka ee dublamaasiyadda.

“Waxaa la joogaa waqtigii dagaalkan uu dhammaan lahaa,” ayuu yidhi, taas oo muujinaysa walaaciisa iyo cabsida uu ka qabo yoolalka dagaalka ee Israel iyo tageeradiisa guuldaraysatay oo xilligan tustay xaqiiqda ah in ay aqbalaan xabbad joojin rasmi ah si loogu qariyo guuldarada dagaalka kusii socda sagaalka bilood, wallow aannay Israel weli garwaaqsan innay ku khasbantahay innay hesho dariiq ay ku qariso guuldarada dagaalka oo nabadeed.

In kasta oo Biden aannay soo jeedintiisu ahayn mid uu dhegaysanyo Benjamin Netanyahu, Laakiin labada xubnood ee ugu caansan dawladda Israel ee midigta-fog, Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich iyo Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir, ayaa si cad u sheegay inay diideen xabbad-joojin degdeg ah, iyagoo ku hanjabay innay iska casilayaan xukuumadda waddaaga ah ee uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu, wallow Netanyahu dhankiisa ka dhawaajiyay in aannu diyaar u ahayn soo jeedinta Biden, taasoo shaki galisay mustaqbalka doorashada Biden ee Maraykanka iyo xataa Bariga dhexe iyo gobolka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com