X

Iran Iyo Maraykanka Oo Yeeshay  Wadahadalo Xaasaasi Ah Xilli Imaaraadka Iyo Sacuudigu Qorshaynayaan Duulaanka Xuutiyiinta

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Dhexe  Steve Witkoff (WITKOFOFOF RAYSEWO COMALI), Wasiirka Arimaha Dibada ee Omani Sayyin Badr Albusaii ee Muscat, Cumaan, April 1225.(Dhibcaha Sawirka: Via Reuters)

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa la kulmay ergeyga Maraykanka ee Mideast Steve Witkoff, muxuu ka muujiyay wadahadallada Talyaaniga

Rome (ANN)- Madaxweyne Donald Trump ayaa debciyay mawqifkiisa ku waajahan siyaasadda Maraykanka ee ku jihaysan dalka Iran oo tan iyo markii uu dalka la wareegay Kacaanka Islaamiga ah ee Iran 1979 Revolution.

Iran iyo Maraykanka ayaa cadaawad xun ka dhaxaysaa laga soo bilaabo xilligaa, balse xilligan waxay labada dal  isku diyaarinayaan wadahadalo heer-khabiir ah oo ku saabsan heshiis suurtagal ah oo weliba laga gaadho barnaamijka nukliyeerka ee Iran, taas oo xuddunta muranka ah.

Hase yeeshee waxa sii xoojiyay oo sii kordhiyay xiisadda dagaalka Bariga dhexe ee Qaza, Yemen, Syria , Lubnan iyo is muujinta awoodda gobolka ee Iran, iyadoo Maraykanka iyo xulufaddiisu kooxaha iska caabinta Qaza, Yemen, Xisbullah iyo kooxo kale, kuwaas oo Maraykanka, Israel iyo xullufadda reer galbeedka ku noqday wadana-qabad, isa markaana fashiliyay tuhunkii awoodda xullufadda Maraykanka iyo Israel.

Maamulka cusub ee Trump ayaa markii uu xukunka kusoo laabtay dhowaan wuxuu si lama filaan ah u sheegay in Maraykanku danaynayo in wada hadal dhexmara Iran ay danaynayaan si xal looga gaadho collaadda gobolka Bariga dhexe ee Israel  iyo Falastiin oo ay weheliyaan kooxda awoodaa baddan ee Lubnaan Xisbullah iyo Xuutiyiinta Yemen.

Qorshaha hore ee Madaxweyne Trump todobaadyo ka hor kasoo baxay ayaa la filayay in wada hadalka oo aan toos ahayn uu ka bilaabmo dalka Cumaan, balse shirar diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah oo gogol-xaadh ah ayay labada dhinac ku yeesheen Rome oo ah caasimadda dalka Talyaaniga.

Wallow ay wada hadalada Rome Cumaan ka ahayd dhex-dhexaadiyo, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badar bin Hamad Al Busaidi, oo  mahad-celin u jeediyay madaxda wada-xaajoodka Iran iyo Maraykanka, kaddib markii Sabtidii la soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee Iran-US. wadahadalo ka socda Safaaradda Cumaan ee caasimadda Talyaaniga ee Rome oo qaatay afar saacadood oo xidhiidh ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa la kulmay ergeyga Maraykanka ee Mideast Steve Witkoff, isagoo sheegay in wadahadallada ay muujiyeen horumar iyo horumar isfahan ah oo ku saabsan mabaadi’da asaasiga ah.

In kasta oo ay bilaw yihiin wada hadalada oo ah kuwo xaasaasi ah, isla markaana si weyn indhaha loogu hayo, waxa ay dhinacyadu qireen in rajo wanaagsan laga qabo oo bilawgii labada dhinac muujiyeen is-faham.

Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badar bin Hamad Al Busaidi, ayaa warbaahinta u sheegay saacadihii lasoo dhaafay isagoo ku sugan Rome, wuxuuna ishaaray  in Kooxaha farsamada ee labada dhinac ay filayaan inay ku shiraan dalka Cumaan ka hor kulanka xiga ee 26-ka April. 2025.

Dhinaca kale, Maamulkii hore ee Maraykanka Madaxweyne Biden ayaa bilawgii sannadkii hore 2024 qorsheeyay isku day uu ku doonayay in Iran iyo Maraykanka ay Cumaan ku yeeshaan wadahadalo aan toos ahayn, xilli dhawr bilood kaddib markii uu bilaabmay dagaalka Qaza oo Maraykanku si badheedh u taageeray duulaanka Israel ee bilaabmay Oct 2023, kaas oo sababay in Xuutiyiinta dalka Yemen oo si cad u sheegay inay u hiilinayaan shacabka Falastiin ee Qaza weerarro la beegsadeen maraakiibta isaga goosha caalamka ee ka gudaba Gacanka Cadmeed iyo Koonfur galbeed badda Cas ee Yemen  balse qorshaha wadahadalada aan tooska ahayn ee Cumaan isaga dab qaadaysay Maraykanka iyo Iran ayaa xilligaa noqday kuwo aan rajo lahayn, kaddib markii ay Iran ku xidhay shuruudo ay ugu weyntahay in Israel ka baxdo dhulka Falastiin oo ay joojiso xasuuqa ka socda Qaza.

Maraykanka ayaa mar kale qorsheeyay in Xuutiyiinta Yemen ay wada hadal aan toos ahayn ku dhex-dhexaadiso Cumaan, balse Xuutiyiinta ayaa iska diiday arrintaa, iyadoo Maraykanku wax baddan ka aqbalay, laakiin shuruuda ugu weyn ee Maraykanku ku doorsanayay innay joojiyaan weerarrada gantaalaha iyo Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee ay la beegsadaan Israel iyo maraakiibta ganacsiga iyo weliba weerarrada ay la beegsadeen Xuutiyiintu maraakiibta dagaalka ee ku sugnaa Biyaha Badda Cas ee doonayay inay gudbiyaan Maraakiibta ganacsiga, taas ayaa noqotay mawqifka addag ee ay ku dalbadeen mid la mid ah Mawqifka Iran ee qadiyada Falastiin, iyadoo shuruuraddaha Iran iyo Xuutiyiinta ay u gudbiyeen Maraykanka isla xilligaa ay noqdeen kuwo aan u qudh-qudhsamin Madaxweyne Joe Biden iyo maamulkiisa,

Hase yeeshee wadahadalada rajada laga muujiyay ee xilligan oo labada dhinac sheegeen in la gaadhay isfaham ayaan si dhab ah loo oggayn dhinaca debacsanaanta muujiyay iyo in aan weli la gaadhin arrimaha xaasaasiga, waxayna shirarka xilligan kusoo beegmeeen iyadoo ay soo baxayaan warbixino iyo dhacdooyin muujinaya in Marayanka oo kaashanaya dalalka Imaaraadka carabta  iyo sacuudiga ay qorshaynayaan sidii dagaal dhinac dhulka ah looga bilaabi lahaa Yemen, iyadoo la abaabulayo dagaal dhanka dhulka ah oo lagu qaado Xuutiyiinta Yemen.

Taliye ka tirsan ciidamada Yemen, oo uu adeer u yahay madaxweynihii geeriyooday ee Cali Cabdalla Saalax, haddana ah xubin ka tirsan golaha madaxtooyada Yemen, Brig, Gen. Tareq Mohammed Abdullah Salah, ayaa ku hanjabay inuu saameyn ku yeelan doono dagaalka xooggan ee ka dhanka ah Xuutiyiinta oo maamula inta badan Yemen.

Sida lagu xusay warbixinta lagu daabacay Shabakaddaha Araweelo News Network, Sabtidii, iyadoo soo xiganay warbaahinta reer galbeedka, Sarkaalkan ayaa xidhiidh dhow la leh Imaaraatka Carabta iyo weliba dalka Sacuudiga, waxaana uu kumanaan ciidamo milateri ah geeyay xeebaha galbeed ee Badda Cas ee koonfurta Yemen.

Gen. Tareq waxa uu leeyahay ajande qaran oo looga dan leeyahay in Xuutiyiinta laga xoreeyo Xeebta Galbeed iyo Waqooyiga Yemen. waxaana lagu tilmaamaa inuu maamulo Qiyaastii ilaa 4,000 oo dagaalyahano ah iyo 5,000 oo dheeraad ah la rumeysan yahay in lagu tababaray saldhigga milatari ee Imaaraadka uu ku leeyahay dekedda Casab, Eritrea.

 

Meesha ugu baddan ee ay ka shaqeeyaan waa Xeebta Galbeed ee Yemen. Balse u diyaar garowga dagaal ayaa u muuqda mid ay dabada ka riixayaan Maraykanka iyo dalalka Khaliijka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, wallow aan la ogayn sida laysu waafajinayo wada hadalada Maraykanka iyo Iran iyo duulaan Maraykanku dabada ka riixayo oo ay dalalka Imaaraadka iyo Sacuudigu ku abaabulayaan gulufka dagaal ee la doonayo in dhanka dhulka lagaga qaado Xuutiyiinta oo maamula inta baddan dalka Yemen, isla markaana ka mid ah gamcaha Iran ee ugu awoodda baddan gobolka.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post