X

#Ingiriisku Wuxuu Cadaawad U Hayaa Dadka Laascaanood, Waxaan Leenahay Arrimahayaga Faraha Kala Bax, Inta aannad ,,,,,” Cabduqaadir Firdhiye

 

#Araweelo_News_Network.

Laascaanood(ANN)-Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo Laascaanood, Cabduqaadir Firdhiye, ayaa si weyn uga qayliyay dhaqdhaqaaqyada dublamaasiyada dawladda Britain ee ku waajahan gobolka geeska Afrika.

Cabduqaadir Firdhiye, wuxuu farriin hanjabaad ah u diray dawladda Britain, isagoo sheegay innay kasoo horjeedo rabitaanka shacabka Laascaanood, sidaa awgeed wuxuu dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka dalbaday innay la socoto qorshayaasha Britain ee gobolka, isagoo yidhi, “Dawladda Ingiriisku waxay rabtaa innay Soomaaliya kala goyso, annaguna waxaan u taagannahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed;” ayuu yidhi.

Hadalkaa ayuu raaciyay “waa innay dawladda Federaalka waa innay caddaysaa mawqifkeeda ku aaddan Siyaasadda dawladda Ingiriiska” ayuu yidhi, Cabduqaadir Firdhiye oo laga dareemayo innay jirto cadho Siyaasadeed, waxayna arrintan kusoo beegantay, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Dublamaasiyiin ka socda dawladda Brotain booqasho ku yimaadeen Somaliland, kuwaas oo xukuumadda iyo hay’addaha qaarkood kulama xasaasi ah la yeeshay, iyadoo dawladda Britain ku wargelisay xukuumadda Somaliland in arrinta collaada gobolka Sool lagu soo dabaalo nabad, isla markaana si cad ugu sheegay in arrinta Laascaanood ay tahay mid loo baahanyahay innay Somaliland guddahooda dhammaystaan, balse aannay khusayn dawladda Federaalka ee Somalia iyo maamul kale midna.

Dawladda Britain, ayaa dhankooda Garaadada Sool ku wargelisay in aannay arrintu ahayn mid ay kaga maarmayaan Somaliland, sidaa awgeed ay xalka ka raadiyaan dhanka Somaliland ee aannay ka raadin Xamar, sida uu qiray Cabduqaadir Fordhiye oo yidhi, Safiirka Britain wuxuu garaadada kala xishiin waayay hadalkaa markii ay kula kulmeen Muqdisho”

Cabduqaadir Firdhiye oo ah hoggaamiyaha maamulka Khaatumo, wuxuu arrintaa ku tilmaamay mid muujinay in dawladda Britain cadaawad la daba socoto dadka Laascaanood, isagoo yidhi,

“Ingiriiska waxaan leenahay inta aannadan ku khasbanaanin innaad Diyaaraddo nagu soo kiciso, na khasbi karimayside arrimahayaga faraha kala bax, ma joogno 1901, iyo 1920, maanta ayaanu intii ka awood baddanahay’ ayuu yidhi, Cabduqaadir Firdhiye.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post